|

Kulan hawleed Hargaysa lagu soo gabo gabeeyay iyo Qodobo laga soo saaray

Hargaysa 21Feb.(SDN)    Kulan-hawleed ku saabsanaa wacyi-gelinta bulshada ee  ka qayb qaadashada  horuumarinta degmooyinka oo muddo laba maalmood ah u socday maayirada degmooyinka gobolada dalka  ayaa maanta lagu soo geba gebeeyey huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guudee wasaarada arimaha Gudaha Mud, C/samad Cumar maal,oo Maayarada shir howleedkaas u xidhay ,ayaa waxa uu  sheegay in kulan howleedka aynu maanta  soo geba-gebaynay uu ahaa mid muhimad weyn u leh dhinaca wacyi gelinta bulshada iyo sidii loo fahamsiin lahaa inay iyagu leeyihiin dawlada mid dhexe iyo kuwa hooseba iyo inay ka qayb qaataan horuumarinta dalka.Waxa kale oo uu Agaasimaha Guud intaa raaciyey in macliimaadka aynu kulan howleedka ku soo qaadanay ay gundhig u yihiin barnaamijka siyaasadda maamul daadejinta,oo ah inaynuxaga hoose ee gunta iyo seeska hoose ka soo bilowno maadaama ay dawladaha hoose bulshadau dhow yihiin.taasi darteed waa inaynu  macluumaadka aynu qaadanay ku dabaqnaa barnaamijyadeena howl-fulineed.

La taliyaha Arimaha huruumarinta ee wasaarada arimaha gudaha iyo daw-ladaha hoose mud,Siciid C/llahi Axmed, oo geba-gabadii xidhitaanka kulan howleedka ka hadlay  ayaa waxa uu sheegay, in kulan-hawleedkan laysula qaatay qodobada kala ah:-

  • In la sameeyo Guddi hagta  Siyaasada lagu hir-gelinayo wacyi-gelinta bulshada.
  • In la sameeyo waqti cayiman  oo siyaasadaa lagu hir-geliyo.
  • In la soo diyaariyo miisaaniyadii loo samayn lahaa hir-gelinta siyaasada wacyi-gelinta bulshada.

 

Hargaysa SDN.

Comments are closed