Xafladii Debaal-Dega Xisbiga UCID Ee Seattle Washington
Seattle Feb 21,2013(SDN)-Waxa magaalada Seattle ee gobolka Washington ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayay soo bixitaanka uu xisbiga UCID uu marlabaad ku hantay inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran, laguna soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Aqoon-yahan Jamaal Cali Xusseen iyo Xoghayeha Guud ee xisbiga Mudane Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse). Madasha ay xafladu ka dhacday oo ay ilyartu isqabatay soona buux dhaafiyeen Taageerayaasha Xisbiga iyo bulsho-weynta reer Somaliland ayaa habeenkii xallay ahaa ahayd mid aan loo kala hadhin, iyadoo ishayduna in badan ku dhacaysay Hablo iyo Caruur yar-yar oo xidhan Calanka Jamhuuriyada Somaliland xaga dhanka kalena aan ku arkayay kuwo kale oo iyaguna sita anba soo jeeni qaartayba Astaanta Xisbiga Cadaallada Iyo Daryeelku caanka ku yahay.
Xaflada Oo loogu talo-galay inay bilaabmato 8:pm sideeda fiidnimo ayaa markay saacadu ahayd 7:40 waxa madasha soo gaadhay masuuliyiintii xisbiga oo dadku ay aad ugu oomanaayeen inay maqlaan codkooda, waxaana lagu soo galbiyay sacab, mushxarad iyo heesaha xisbiga ugaarka ah oo isbarkan ilaayo intii ay masuuliyiintu ka fadhiisanayeen goobtii loo sii qorsheeyay, kadibna waxa bilaabmay shirkii waxaana ka hadlay xubno door ah oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland, waxa iyaguna sidoo kale kalmado mahadnaq iyo soo dhaweyn iskugu jira madasha shirka ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga ee gobolka Washington Mudane Rashiid Caraale iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ee North America Mudane Cali Yuusuf Qaalib iyo waliba Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Abwaan Khadar Macalin Qaasim. Intaas ka bacdi waxa mikirifoonka lagu soo dhaweeyay Xoghayaha xisbiga Mudane Axmed Aadan Ismaaciil oo runtii si hufan uga warbixiyay xaallada uu dalku maanta ku xugan yahay, isagoo walibana dul istaagay qodobadii xubnahii hadlay ay dareenka ka muujiyeen.
Mudane Axmed Kayse mar uu ka hadlayay walaaca ay Britian iyo Maraykanku ka muujiyeen nabad-galyada Somaliland waxa uu yidhi ” Dawladihii ka horeeyay dawladan, laamaha nabad-galyadu waxay ahaayeen kuwo si toos ah uwada shaqeeya, islamarkaana xidhiidh iyo wada shaqayn dhaw la lahaa dawladaha jaarka iyo kuwa aynu saaxiibka dhaw nahay, taasina waxay marar badan suurtagalisay inaanu macluumaad wax ku ool ah had iyo jeer isweydaarsano, waxaana jirtay ayuu yidhi wakhtigii diiwaangalintu dalka ka bilaabmatay in aanu macluumaad ka helnay dawladaha aynu saaxiibka nahay ee reer galbeedka taasina ay nagalisay feejignaan dheeraad ah anagoo ka hortagnay meelihii dareenku ka yimid, laakiinse waxa ayaan daro ah in xukumada Siiraanyo islamarkii xilka loo dhaariyayba inay birta ka asalto dhamaan hogaanadii haayadaha Amniga ee Qaranku lahaa, waxaanay eryeen oo ay xilalkii ka xayuubiyeen 1-Jenankii Bilayska, 2-Jenankii Ciidamada Sirdoonka, 3-Jenankii Ciidamada Bada, 4-Jenankii Ciidamada Qalabka Sida, 5-Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Agaasimeyaal iyo wasiiro ku xigeenaba, taasina waa ta dhalisay inay meesha ka baxdo xidhiidhkii iyo wada shaqayntii inaga dhaxaysay dalalka aynu saaxiibka ahayn ee aynu macluumaadka mukhaabaraadka si toosa isu weydaarsan jirnay, waxaana daaqada laga tuuray oo banaan cidla ah lagaga tagay dhamaan dadkii ehelka u ahaa nabad-galyada dalkeena, mudada dheerna loo soo carbinayay ee khibrada lahaa.
Dhanka Citiraafka mar uu ka hadlayay Mudane Axmed Aadan Ismaaciil wuxuu yidhi ” Maalintii xukumadii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin xilka wareejinaysay dalkeenu wuxuu lahaa 24-Afar iyo labaatan dal oo saaxiib la ahaa Somaliland 13-Dawladood oo Afrikaan Ah 7-Todoba reer Yurub ah 3-Saddex Eeshiya ah iyo wadanka Maraykanka, dhamaantoodna waxaynu ku lahayd Xafiisyo shaqeeya, ayaan darose maanta waxaynu ka haynaa 4-Afar dawladood oo qudha, siyaasada arrimaha dibaduna waa halbawlaha ugu weyn ee maanta Somaliland caadku ka fuulay, xukumada Siiraanyana sida weyn ugu fashilantay, waxaanay kala dirtay Loyarskii u olalayn jiray in lacitiraafo Somaliland kuwaasoo had iyo jeer beesha caalamka ku dhiirigalin jiray in Somaliland lacitiraafo mar hadii ay buuxisay dhamaan shuruudihii Qarannimo, hadii aanu ku guuleysano hogaanka dalkana waxaanu ballan qaadaynaa inaanu soo celino Loyaradaas u doodi jiray qadiyadeena, hadii intaas ka hor layna citiraafana waa Ilaahay galladii oo waa guul inoo soo korodhay, xaasidimayno dedaal kasta oo aynu aqoonsi ku helaynana waanu kala shaqaynaynaa xukumada, laakiinse sidii Kulmiye u xaasidi jiray xukumadii UDUB u xaasidi mayno, waayo nin reer Kulmiye ah ayaanu kaftanay markaasu yidhi wakhtigii xukumadii UDUB waxaanu ka baqi jirnay inay Citiraaf nagu soo hesho.
Dhanka xoolaheena nool xoghayahu wuxuu hoosta ka xariiqay inay yihiin lafdhabarta dhaqaale ee dadkeena iyo dalkeenaba, sidaas la’ajligeedna ka xisbi ahaan inay mudnaanta koowaad siin doonaan sidii biyo iyo baad loogu samayn lahaa xoolaheena iyo waliba ilaalinta dabargo’a ba’an ee ku socda xoolaheena nool oo imika xoolaha ugu badan ee ladhoofiyaa ay yihiin xoolahii Dhedig. Xoghayahu intaas ayuu kusoo afmeeray khud-badiisii isagoo xusayna inay ka xisbi ahaan jecel-yihiin inay xisbiga Wadani kula tartamaan Barnaamijyo waxqabad oo bilaa turxaan ah.
Intaas kadib waxa Cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxweynenimada ee xisbiga UCID Aqoon-yahay Jamaal Cali Xusseen oo salaan iyo mahadnaq kadib si cilmiyaysan oo miisaaman dhayda uga cadeeyay hamigiisa siyaasadeed iyo qorshaha waxqabad ee xisbigiisu dalka ku hogaamin doono hadii uu hogaanka dalka qabto, waxaanu xusay in maalin maal-maha ka mid ah uu go’aan ku gaadhay inuu dalkiisii dib ugu noqdo waxna uqabto dadkiisa iyo dalkiisa, waxaanu yidhi ” Maalin ayaan go’aan ku gaadhay inaan dalkayga iyo dadkayga u ciidamiyo, intii aan maalinba maalinta kasii dambeysa aan taajiriin kasii dhigi lahaa dadka ku bahoobay City Bank anba Share Holderska ah, walina waan ku gudajiraa hawshii gurmadka ahayd ee aan ku doonayay inaan ugu ciidamiyo dadkeena iyo dalkeenaba inagoo is garabsanayna. Walaalayaal dadkeena iyo dalkeenuba waxay ubaahan yihiin inaynu kasaarno cudurkan qabyaalada layidhaahdo oo qayb weyn ka noqday Aafooyinka ku habsaday Somaliland, taasna waxaynu kula dagaalami karnaa inagoo aqoonta u hiilina, hadii aan tusaale yar idin siiyo waxaan maalin su’aal weydiiyay nin City Banka maamula ahna masuul iga sareeyay qaabka uu ku gaadhay darajadan uu taagan yahay, waxaanu iigu jawaabay markasta oo aan qof shaqaalaysiinayo waxaan qortaa dadka iga aqoonta iyo kartida badan ee aan isleeyahay waxbay ku dheer yihiin, markay shaqada qabtaan ee ay si wanaagsan oo hab-maamule wax umaareeyaana guusha anigaa iska leh. Bal ufiirso Afrikaankuna waxay shaqaalaysiiyaan mid-ba mid-ka uu kasii liito si aanu isaga u dhaafin anba aanu wax cusub usoo kordhinin, inaguna weynu kasii xaq jirnaa oo dadka xilalka ka haya dalkeena waxa lagu keenay qabyaalad, xataa hadii aynu qabyaalad isticmaalayno maxaa inoo diiday inaynu reeraha kasoo xulano anba kasoo qaadano inta aqoonta leh intaynu afmiishaar iyo dilaal miidhan kala soo dhex baxayno. Hadii aanu hogaanka dalka ku guuleysano waxa naga go’an inaanu uhiilino aqoonta oo shaqaalaysiino dadka aqoonta leh iyo ardaydeena waxbaratay ee markay shaqo la’aani indhaha kaga tuurtay Somaliland miciin biday inay naftooda haligaan, waxaana dalkeena ka dhacday in arday Wasaarad u shaqa doontay lagu yidhi Wasaaradan meeli kaagama banaanee oradoo taas reerkiinu ka buuxaan tag, heerkaas ayuu maanta dalkeenii marayaa. Mana dhici doonto inaanu sida xisbiga Kulmiye sameeyay samayno oo aanu soo celino wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno ay shallay iyagu ugu yeedhi jireen inay yihiin Tuug hantidii qaranka ku tallaxtagay, siyaasadii iyo hogaankii dalkana wey ku fashilmeen gudde iyo dibad-ba. Xisbiga Wadanina weynu aragnaa waxqabadkiisa oo Baarlamaanka ayuu fadhiyaa, waxqabadkiisana waxaaba udambeeyay sharcigii Haweenka ee ku saabsanaa kootada Baarlamaanka oo uu soo celiyay, waana kii duuduub ku ansaxin jiray qorshe iyo ajande kasta oo xukumadu wadato, laakiin xisbiga UCID wali waxba looma dhiibin.
Hadii hogaanka iyo tallada dalka bulsho-weynta reer Somalilaneey noo doorataan waxaanu dalka ku hogaamin doonaa siyaasad cad oo vision leh iyo barnaamijyo waxqabad oo si toosa wax uga qabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee dalkeena ka jira, sida Biyaha, Caafimaadka, Wadooyinka, Iskuulada, Cadaallada, Shaqo Abuurista, Joojinta xaalufinta lagu hayyo dhirta iyo daaqa.
Hadaba intii uu Aqoon-yahay Jamaal la hadlayay anba uu ku gudde jiray khud-badiisa waxaad moodaysay in Sayloon ku socdo dhamaan dadkii madasha fadhiyay, iyadoo qof-waliba uu dhegta lasii raacayay erayba eraygu kasii dambeeyay. Isku soo wada duubo waxa hubaal ah in xisbiga UCID uu taageerayaal badan oo cusub uu ka hantay gobolkan Washington, islamarkaana uu lasoo baxay carcar horleh oo dhabada usii xaadhi karta inuu ku guulaysto hogaaminta dalka.
Waxa xusid mudan dhamaan xubnahii xaflada ka hadlay iyo fanaaniintii heesaha kala duwan ku luuqaynayay.
1-Xidhiidhiyaha Madasha Cabdiwahaab Cumar
2-Oday Maxamed Bade
3-Cabdiraxiin Xaaji Ibraahin
4-Hodan Kaariye
5-Fanaan Shimbir
6-Fanaan Mooge Yare
Khadar Ismaaciil Cilmi.
Seattle Washington.