|

Madax Dhaqameedka Beesha Gobolka Hawd oo cadeeyey inaan looga baqin inay Nabadgalyada dalka Wax dhaawacaya ku kacaan

Hargaysa 21.Feb  (SDN)  Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale iyo cuqaal ka tirsan Beesha Degta Goboladda Hawd, Hargeysa Iyo Togdheer ayaa  shaaca ka qaaday in beeshooda aan looga baqo qabin in ay nabad galyadda iyo jiritaanka Somaliland wax yeelaan

Shir jaraa?id oo ay ku qabteen Guriga Suldaan Bare Xaaji Xuseen oo ku yaala Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo ay ku sheegeen in dhinacooda ay adkayn doonaan nabadda  ka hano qaaday Somaliland.

Ugu horeyn Maxamuud Aadan Gaas oo ka mid ah waxgaradka Goboladda Hawd, Hargeysa Iyo Togdheer, ayaa carrabka ku dhuftay in beeshoodu aanay waxba u dhimi doonin jiritaanka Somaliland.

Cabdi Cilmi Diixood oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in doorashooyinkii wadanka ka dhacay lagu kala adkaaday isla markaana aanay jirin wax tabasho ah oo beel ahaan ay ka qabaan doorashooyinkaasi.

Waxa uu balan-qaaday in dhinacooda ay ka shaqayn doonaan sidii ay nabad-galyadda wadanka Somaliland ay u sii adkayn lahaayeen.

Aadan Ismaaciil Xuseen ayaa isna ugu baaqay beelaha kale ee Somaliland in ay nabad-galyadda ilaaliyaan, isla markaana beel ahaan iyagu ay sidii la rabay uga shaqayn doonaan.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Sidiiq Caynab Ducaale iyo sheekh Cabdiraxmaan, waxaanay iska daba mareen in wixii ka dhashay doorashooyinkii golaha deegaanku aanay waxba u dhimi doonin Somaliland.

Gabogabadiina Suldaan Bare Xaaji Xuseen Carraale ayaa sheegay in nabadgalyadda wadanka looga shaqayn doono sidii la rabay isla markaana aan cid-naba lagu xumaynin.

Waxa uu balan-qaaday in isaga iyo inta ka talo qaadataaba ay ku dedaali doonaan sidii ay nabad-galyadda Somaliland uga shaqayn lahaayeen.

Waxa uu beelaha kale ee Somaliland u soo jeediyay in dhinacooda ay nabadgalyadda wadanka Somaliland ilaaliyaan, waxaanu yidhi ?Anagu waxa aanu aad uga shaqaynaynaa Nabad-galyadda Somaliland, waxaanan ilaahay ka baryayaa in uu nabada inoo adkeeyo? ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu ilaahay uga baryay shacabka reer Somaliland in aanu dib ugu celinin dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay dhib badani ka soo gaadhay guud ahaanba shacabka reer Somaliland, ?Waxa aan ilaahay inooga baryayaa in aanu dib inoogu celinin dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay dhib badani inaga soo gaadhay?

Waxa uu uga digay Somaliland in ay ku deg-degto shirka lala galayo soamlia, waxaanu yidhi ?Waxa aan leeyahay xukuumadda ha ku deg-degina in ay iska galaan wada hadaladaasi, laakiin waxa aan ku baaqayaa in wada hadalkaasi horta talo qaranka laga yeesho? ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu xusay in uu iska diiday shirka beesha uu ka soo jeeda ay ku baaqday in lagu qabto Magaaladda Baligubadle waxaanu yidhi ?Waxa ila soo xidhiidhay niman qurbe joog ah oo ku baaqay in shir beeshu ay ku qabsato Magaaladda Baligubadle, shirkaas waan ka soo horjeeda  waxaanan leeyahay lacagta lagu bixinayo ha loo duwo oo ha la siiyo dadkii dhaawacmay iyo waxyaabaha kale ee beesha faa?iido u leh? ayuu yidhi.

Hargaysa SDN.

Comments are closed