Tartan Orodka Shanta Kilo Mitir ah oo lagu Xusayo Maalinta dhalinyaradda Somaliland oo Hargaysa lagu qabtay
Hargaysa 20.Feb (SDN) Tartan orodka Shanta Kilo Mitir ah oo lagu Xusayo Munaasibada 20ka bisha February ee dhalinyarada Somaliland ayaa galabta lagu qabtay Magaalada Hargaysa.
Tartankan oo ay soo qaban qaabisay Dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo isla markaana iskaashi kala yeelatay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa furitaankiisii ka qayb galay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil,Gudoomiyaha Dalada Sonyo Mubaarik C.laahi Taani .
Agaasimaha waaxda ciyaaraha oo halkaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay dhalinyaradii Tartanka orodka ka qayb qaadanaysay inay la yimaadaan akhlaaq wanaag isla markaana ay u haneeyaan cida ku guulaysata tartankan waxaanu gabo gabadii u mahadceliyay dalada Sonyo.
Sidoo kale Gudoomiyaha Dalada Sonyo ayaa ujeedada tartankani in lagu Xuso Munaasibada maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20-ka bisha February oo ah Maalin ku Xardhan Taariikhda dalka,astaana u ah gadoodkii dhalinyarada ee 1982kii.
Waxaa tartankan oo ay ka qayb qaadanayeen ku dhawaad afartameeyo Orodyahan ay guushuu ku raacday isla markaana Lixda kaalmood ee hore ku kala guulaystay .
1.C.raxmaan Cawil Muuse 2.C.fataax Muuse Xasan 3.Maxamed Cilmi Beegsi. 4.Maxamud Ibraahin Muumin 5.Guuleed Mawliid C.laahi iyo 6.C.wahaab Ibraahin Faarax.
Hargaysa SDN.