|

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo Gaadhay Magaalada Laas qoray

Laasqoray 20 Feb.(SDN)   Wefti Culus Oo Uu Hogaminayo Wasiir Ku Xigeenka Wasarada Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Cabdisalan Maxamed Xasan Oo Dhowaanahanba Socdaal Shaqo Ku Gaala Bixinayay Deganada Sanaag Bari Ayaa Soo Gaadhay Magalada Laasqoray Waxana Intii An Weftigu Soo Cagadhigan Magaaladasi Laasqoray Lagu Qaabilay Degaanka Xabaasha Aw Cali Halkaaso Dadka Degaankasi Ay Weftiga Wasiirka Uga War Bixiyen Baahiyahooda Aasasiga Ah

Waxayna Sheegen In Degaankooda Ay Ubaahan Yihiin Gebi Ahaanba Bahiyaha Aasasiga Ah Siiba Dhinacyada Biyaha, Caafimaadka, Iyo Waxbarashada, Iyagoona Xukumada Somaliland Ka Dalbaday Inay Baahiyahaasi Wax Kala Qabato

Sidoo Kalena Waxa Weftigu Soo Indha Indheeyeen Wadada Buuralayda Geeldoora Ee Isku Xidha Magaaloyinka Badhan Iyo Laasqoray Oo Iyadu Bur Bur Xoogani Ka Muuqdo Waxana Ka War Bixiyay Nabadoon Xasan Faarax  “Wadada Geel Doora Waa Wado Qaadimi Ah Ilamaaa 20 Sano Na Waxba Lagama Qaban Waana Wadada Xidhiidhisa Maagaaloyinka Laas-qoray Iyo Badhan Marka Xukumada Somaliland Waxan Leenahay Wax Ha Nalooka Qabto’’

Intaa Ka Dibna Waxa Weftigu Soo Gaadheen Duleedka Laasqoray Oo So Dhowayntooda Diyaar Ugu Ahaayeen Madaxda Maamulka Degmada Saraakisha Ciidamada Qaranka Salaadiin Cuqaal Guurti Iyo Dadwayne Aa U tiro Badan

Wasiirku Wuxuu Uu Halkaasi Salaan Sharaf Kaga Qaatay Ciidamada Qaranka Taliyaha Guutada Laasqoray Maxamed Salaax Tusbaxle Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay Inay Weftiga Wasiirka Kusoo Dhowaynaayan Magaalada Laasqoray

“Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Somaliland Mudane Abdisalam Waa Weftigii U Horeyey Ee Xukumada Somaliland Ee Soo Gaadha Laasqoray Waxan Ku Leenahay Wasiir Soo Dhowow Laasqoray Waa Magaaladadii”

Intaasi Ka Dibna Waxa Weftiga Lo Soo Gelbiyay Dhinaca Gudaha Magaalda Laasqoray Waxana Lagusoo Wareejiyay Shaaracyada Waawayn Ee Faras Magaalaha Magaalada Laasqoray

Kadib Kolkii Weftiga Wasiirka Lasoo Gaadhsiyay Hoygii Loogu Talagalay Waxa Uu Mahad Celiyay Dadwaynaha Reer Laasqoray Ee Aan Soo Dhowayntiisa Ukala Hadhin Waxanu Uu Sheegay Inay Kulamadooda Iyo Shirarkooda Gaar Gaar Ka Ah Yeelan Doonan Inta uu Magaalada Joogo

Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Oo Socdaalkisu Salka Ku Hayo U Kuur Gelida Xaalada Degaanada Sanaag Bari Ayaa Kormeer Kusoo Maray Xarunta Cusbitalka Magaalada Laasqoray Saldhiga Ciidamada Policka Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada  Xafiiska Iskaashatada Kaluumaysiga Ee Safko Oo Uu Dhamaantoodba Warbixino Ka Dhegaystay

Ugu Dambayntiina Waxa Wasiir Ku Xigeenka Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhowaynayo Loogu Qabtay Barxada Dugsiga Hoose Dhexe Ee Magalada Laasqoray

Waxana Munaasibadasi Ka Hadlay Suldaan Xasan Cali Jibriil Iyo Qaar Kamid Ah Odayaasha Degaanka Laasqoray Xubno Ku Hadlayay Afka Ururada Haweenka Ee Alkhayr Iyo Il Jano Oo Dhamaantooddba Tilmaamay In Degmada Laasqoray Saamigeedi Xukumada Somaliland Ka Doonayso Sidoo Kalena Wasiir Ku Xigeenka Ku Tilmaamay Masuulka Keliya Ee Somaliland Taarikhda Abid Soo Gaadha Magalada Laasqoray

Gaba Gabadii Munaaasibadasina Waxa Ka hadlay Wasiir Ku Xigenkaa Macdanta Iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan Wasiirku xigeenka waxa uu yidhiReer Laasqoray Waxan Uga Mahad Celinayaa Sida Wanaagsan Ee Kalgacalka Iyo Dawlad Jeceylka Leh Ee Ay Iigu Soo Dhoweeyen Magaalada Laasqoray Waxanan Leeyahay Waad Mahad San Tihiin Intaa Hadan Ka Imaado Dadka Reer Laasqoray Baahiyahooda Waan Tixi Gelin Doona Dawladana Iyo Xukumada Jamhiriyada Somaliland Waa Kula Noqon Doonaa Waxna Waa Lagala Qaban Doona Insha Alaah Waan idiin Balan Qaadaynaa Inaan Mar Dambe Cabasho Kasoo Yeedhin Laasqoray

Isku Soo Wada Duubo Weftiga Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Iyo Biyaha Ayaa Socdaalkoodu Salka Ku Hayaa Ukuur Gelida Gebi Ahaanba Xaalada Degaanada Sanaag Bari Waana Weftigii U Horeyay Ee Taarikhda Abid Socdaal Ku Taga Maagalada Laasqoray

Laasqoray SDN

Comments are closed