|

Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay kulankii golaha Amaanka ee looga hadlayay Xayiraada Hubka Soomaaliya

Muqdisho Feb 20 2013 (SDN)—  Ra’iisul wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusufu Xaaji Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii ay ka qeybgashay kulankii Golaha Amaanka ee looga hadlayaya Arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay ka warbixisay kulankaasi qudbadii ay ka jeedisay iyo wadahadalo ay la yeelatay Madax kala duwan.

Fowziyo Yuusufu Xaaji Aadan ayaa sheegaytay in Nuxurka qudbadii ay ka jeedisay Golaha Amaanka Q/M ay aheyd in Soomaaliya laga qaado Cunaqabteynta saaran muddo kabadan 22-sano, waxaana ay intaasi ku dartay in meel wacan ay arrintaasi marayso inkastoo aan go’aan laga gaarin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa muujisay rajo ah in laga yaabo in Bisha soo aadan ee March kulamada kale ee Goluhu uu yeelandoono looga hadli doono islamarkaana laga yaabo in go’aan lagu farxo lagaaro.

Fowziyo Yuusufu Xaaji Aadan ayaa soo hadal qaaday go’aan ay Golaha Amaanka ka horjeedisay oo ahaa in Soomaaliya aysan dooneyn in la sameeyo Ciidamo badeed oo AMISOM ah taasi oo ka careysiisay dowladda Kenya oo ololaasi waday.

Waxa ay tilmaamtay in arrinkaasi si qaldan loo fasiray waxaana ay carabka ku adkeysay in hadalkaasi la buun-buuniyay waxana ay xustay in hadalkii ay jeedisay uu ahaa in la sameeyo Ciidamo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo ilaaliya Amaanka Biyaha Soomaaliya.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa dhanka kale sheegtay in Mas’uuliyiin ka tirsan 15-xubnood ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay la kulantay islamarkaana ay isku afgarteen arrimo badan waxaana ay hoosta ka xariiqday in natiijooyin badan la filankaro.

SDN-Muqdisho

Comments are closed