|

AMISOM oo shaaca ka qaaday in ay heshiisiiyeen beelo wada daga gobolka Hiiraan

Baladweyne Feb 20 2013 (SDN)— Saraakiisha ciidamada AMISOM ee Gobalka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay heshiisiiyeen beelo walaalo ah oo wada daga deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Sida uu warbaahinta usheegay taliyaha ugu sareeya ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan Cusmaan Dubad beelahaan ayaa muddo colaad ay ka dhaxeysay kuwaasi oo kuwada nool Gobalka Hiiraan.

Taliye Dubad ayaa sheegay inay ciidamada AMISOM usuuragashay inay beel beel uwada fadhiisiyaan dhamaan beelaha wadaga Gobalka Hiiraan oo ay ay ku heshiiyeen fadhi loowada dhan yahay.

Sidoo kale Korneyl Dubad ayaa shaaca ka qaaday in beelaha ay heshiisiiyeen ay gaarayaan ilaa 14-beelo oo dhamaan wadaga Gobalka Hiiraan deeganada ka tirsan.

Cusmaan Dubad Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in sidoo kale ay xaliyeen khilaaf udhaxeeyay maamulka Dowladda ee Gobalka Hiiraan dhamaan wax walibana si wanaagsan guulo looga gaaray.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Gobalka Hiiraan ayaa sameeya waxyaabo soo jiidanaya bulshada Magaalada Beladweyne iyadoo dhawaan tartan isboorti ay kusoo gaba gabeeyeen Magaaladaasi.

SDN-Baladweyne

Comments are closed