Suxufiyiin Hargaysa uu uga furmay aqoon isweydaarsi lagu darsayo halista H.I.V/AIDS
Hargaysa 19.Feb (SDN Agaasimaha waaxda wacyigelinta ee Kummishinka ka hortagga Aids-ka Yuusuf Nuur Maxamed ayaa maanta 30 suxufi oo isugu jira saxaafadda iyo ta madaxa banaan uga furay kulan socon doona muddo sadex maalmood ah oo lagu daraasadaynayo Cudurka HIV AIDS-Ka.
Md Nuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankan loo qabtay ay tahay sidii loo ogaan lahaa halista uu leeyahay HIV AIDS, iyadoo loo marayo dariiqada warbaahinta. lagana shaqaynayo ka hor tag muuqda oo laga sameeyo fiditaanka cudurkaasi, la iskana ilaaliyo in takoorid lagu sameeyo dadka la nool cudurkan.
Dr Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ka tirsan dhakhaatiirta Somalailand oo kulankaasi ka hadlay ayaa si weyn tafaasiil uga bixiyey heerka uu xiligan ka marayo cudurkani adduunku.
Hargaysa SDN.