Wasiir ku Xigeenka Macdanta iyo Biyaha oo ku Sugan Degmada Laas qoray kana waramay Socdaalkiisa
Laas Qoray 19.Feb (SDN) Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee JSL Md C/salaan Maxamed xasan iyo wefti uu hogaaminayo oo socdaal ku marayey deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag iyo badhan ayaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha Degmada Laasqoray.
Wasiirka oo u waramayey Socdaalkiisa isagoo ku sugan magaalada laasqoray waxa uu sheegay inuu saaka kormeer ku soo maray xarumaha maamulka ee degmadaasi sida Xarunta dawlada hoose oo uu kulan kula yeeshay Mayor-ka magaaladaasi Md Maxamed Ayaan Ibraahin , dugsiyada kala duwan ee magaaladaas iyo dhismaha wershadda kalluunka ee magaaladaasi oo hadda aan shaqaynayn.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland oo fagaare kala hadlay dadweynaha Degmadaasi ayaa la socodsiiyey dadweynaha deegaankaasi xaaladda dalku marayo xiligan iyo qorshayaasha ay damacsan tahay xukuumadu ee ku wajahan barnaamijyada horumarineed iyo kuwa waxqabad ee loogu talo galay Gobolada bari ee Dalka.
Md cabdisalaan waxa uu dadweynaha la socodsiiyey ballanqaadada Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku balanqaaday in mashaariic horumarineed laga fuliyo Gobolada bariga somaliland.
Dhanka kalena Mayor-ka magaalada laasqoay Md Maxamed Ayaan ibraahin oo isna la hadlay dadweynahii fagaaraha isugu soo baxay ayaa sheegay in ay degmada laasqoray diyaar u tahay ka qayb qaadashada hawlaha horumarineed ee dalka ka socda isla markana ay cid kasta oo xukuumadda ka tirsani soo booqan karto.
Sida la ogyahay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta iyo biyaha ee somaliland Md Cabdisalaan waxa uu hore socdaal ugu soo maray deegaano ay ka mid yahiin magaalooyinka Badhan iyo hadaaftimo iyo meelo kale oo ka tirsan gobolkaasi.
Laas Qoray SDN.