Labo Nin oo Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay danbiyo Argagixiso
Copenhagen Feb 19 2013 (SDN)– Maxkamad ku taalo dalkaDenmarkayaa si rasmi ah waxay dacwad ugu soo oogtay Labo nin oo walaala ah kana soo jeeda Soomaaliya,kuwaasi oo Maxkamada ku eedeeysay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab oo weeraro ay damacsanaayeen.
Danbi oogayaasha Maxkamada ayaa shaqsiyaadkaan eedeeynta u soo jeediyay,waxayna dhalinyaradaan walaalaha ah asal ahaan dhalashadooda ay tahay Soomaaliya iyagoo da’dooda ay kala tahay 19 iyo 24.
Wararka laga helay ilo ku dhow Saraakiisha Maxkamada eedeeynta u soo jeedisay ragaan Soomaaliyeed ayaa waxay sheegayaan in shaqsiyaadkaan ay ku eedeeysan yihiin maalgilinta iyo tababar ay shabaab kula soo qaateen qaar kamid ah xerooyinka Shabaab dadka ay ku tababaraan ee ku yaala Soomaaliya dhamaadkii sanadkii tagay ee 2012.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in labadani nin ee walaalaha la xiray bishii May sanadkii tagay,iyagoo lagu eedeeyay abaabulida weerarka argagixiso ay ka geystaan dalkaasi Denmark.
Mid ka mid ah eedeeysanayaashaan ayaa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaala bartamaha magaalada Danish ee Aarhus,midka kale ayaa diyaayarad ku yimid Garoonka diyaaradaha ee Copenhagen markaasi oo gacanta lagu dhigay,iyagoo waxii xiligaasi ka danbeeyay xabsi ay ku jireen.
Maxkamada ayaa la filayaa in si rasmi ah u bilaabato Bisha March ee Soo socota 11.
Si dhab ah looma oga waxyaabaha shaqsiyaadkaan ku eedeeysan yihiin marka laga soo tago Maxkamada dalka Denmarka oo shaqsiyaadkaan walaalaha ah islamarkaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ku edeeysay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
SDN-Copenhagen