|

Congressman Keith Ellison oo maanta Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh

Muqdisho Feb 19 2013 (SDN)– Keith Ellison oo ah xubin ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana garoonka diyaaradaha uu kulan saacado qaatay kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kala hadlay arimo dhowr ah oo quseeya Soomaaliya iyo wada shaqeynta koongareeska Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha Muqdisho Keith Ellison oo kamid ah aqalka koongareeska ee Mareykanka lagana soo doorto Magaalada Minisoota ee Soomaalida ay ku badan tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu kala hadlay sida ugu fudud ee aqalka koongareeska Mareykanka ay wax uga qaban karaan xaaladaha dalka Soomaaliya.

Keith Ellison oo ah xubin laga soo doorto Magaalada Minisoota ee dalka Mareykanka ayaa dhankiisa muujiyay imaanshihiisa Muqdisho oo uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho uu yimaado tan iyo markii la doortay 2006-dii.

Keith Ellison ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu ku yimid codsi ka yimid dadka Soomaalida ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safar uu goor sii horeysay uu ku tagay dalka Mareykanka la kulmay xubno ka tirsan koongareeska Mareykanka oo uu kamid ahaa Keith Ellison oo Madaxweynaha si weyn ugu soo dhaweeyay Magaalada Minisoota ee isaga laga soo doortay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed