Labo qof oo xalay lagu toogtay Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug
Galkacyo Feb 19 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in xalay kooxo hubaysan ay halkaasi ku toogteen labo ruux oo kamid ah dadka deegaanka.
Dilkan labada ruux ayaa wuxuu ka dhacay xaafada Garsoor ee dhankabariMagaalada Gaalkacyo halkaasi oo rag biskoolado wato ay ku toogteen labadaasi ruux halka sidoo kale mid kale ay dhaawaceen.
Jaamac Maxamed Axmed Taliyaha qeybta Booliiska ee Gobalka Mudug ee maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inuu jiro falkaan dilka ah balse ciidanka Booliiska ay wadaan baaritaano.
Wuxuu sheegay in kooxo hubaysan ay fuliyeen falkaasi taasina ay tahay arin naxdin leh isaga oo sheegay in kooxaha dilka geestay sidoo kale ay dhaawaceen qof kale oo iminka xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato.
Ilaa iyo iminka lama garanayo cida ka dambeysay falka dilka ah ee loo geestay labadaasi ruux oo kamid ah dadka deegaanka Magaalada Gaalkacyo.
Gaalkacyo oo maalmahan dambe ammaankeeda uu ahaa mid wanaagsan tan iyo markii uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ayaa iminka umuuqaneysa meel ay kusoo noqdeen amnidarada iyo dilalka qorsheysan.
SDN-Galkacyo