|

Maxkamad Marooko ku taal oo xukun dheer ku riday rag laayay Askar

Rabaat Feb 19,2013(SDN)-Maxkamada  ciidamada dalka morooko ayaa xabsiyo kala duwan  ku kala xukuntay afar iyo labaatan qof  oo ka tirsan  dadka  ka soo jeeda sax-raha galbeed ee dalkaasi ,kuwaas oo  lagu soo eedeeyey inay dileen askar  ka tirsan ciidamada amniga dabayaaqadii sanadkii 2010-kii.

Maxkamada ayaa   dadka ay  xukunka ku riday  Waxa ay sagaal qof  oo eedaysanayaasha ka mid ah  ku xukuntay xabsi daa’in,halka ay afar kalena  ku xukuntay min sodon sanadood oo xadhig ah,waxa kale oo ay maxkamadu min sodon sanadood ay ku xukuntay afar ka mid ah ragaasi, iyada oo sideed  kalana qofna  ku riday xadhig dhan  min shan iyo labaatan sanadood,   garyaqaanda difaacayey dadkaasi  ayaa xukunka maxkamada waxa ay ku tilmaameen inuu yahay mid aan  cadaalad u dhicin,oo aanu  jirin wax qaanuun ah  oo loo cuskan karo xukunkooda.

Warku waxa uu intaa ku daray in  ragan la xukumay  lagu eedeeyay in ay dileen askar ka mid ah ciidamada amniga ka dib markii ay howl-gal ay qaadeen ay ku baabi’iyeen  kaamka  lagu magacaabo Akdiim  kaasi oo ay  ku jireen  ilaa saddex kun oo qof  oo saxraawiyiin ah sida ay sheegtay Q/midoobay, ka dib markii ay dadkaasi sameeyeen gadood ay kaga  cabanayeen duruufaha nololeed ee kaamkaa ku haysata.

Gadoodkaa oo gaadhay ilaa magaalada Cuyuun oo ah magaalasda ugu weyn magaalooyinka saxaraha Galbeed, ayaa waxa uu keenay inay isku dhacaan ciidamada amniga iyo dadka kaamka ku jiray. Waxaanay  masuuliyiinta  maroko ay sheegeen inay rabshadahaasi  ku dhinteen ilaa kow iyo toban  askari iyo tobanaan kalena  oo ku dhaawacmay.

SDN-Rabat

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed