Wasiirka Ganacsiga oo Hargaysa ka Furay Kulan ku saabsan Maalgashiga Wadanka
Hargaysa 18.Fec.(SDN) Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta furay kulan lagaga hadlayay ganacsiga iyo maalgashiga dalka .
kulankan oo ay soo qabqaabiyeen hay’ada Transparency solution oo ay samayteen dhalinyaro qurba jooga ah isla markaana ay ka qayb galeen hay’ado caalami ah iyo kuwo wadani ah.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa u Mahadceliyay dhalinyarada soo qaban qaabisay kulankan oo qurbo jooga ah .
Wasiirku waxanu balan qaaday inay soo dhawaynayaan waxna la qabaayaan Wasaarada ahaan waxaanu Xusay in dhalinyaradani ay mashruucan maalgashiga dalka ka bilaabayaa ay ku dhiiradeen sida uu Yidhi inay dalkoodii hooyo dib ugu soo noqdaan.
Wasiirka Ganacsigu waxaa kale oo uu tilmaamay inay dhalinyaro da’doodu aad u yartahay,basle aqoontoodu durugsan tahay ay bilaabeen inay dalkoodii dib u soo maal gashadaan.
waxa halkaa ka hadlaya gudoomiyaha hayada Qurbo jooga Somaliland Md Maxamuud cabdiraxmaan waxaanu u mahadceliyay dhalinyarada soo qaban qaabisaya Kulankan ,Isagoo ku guubabiyay in fikirkani yahay mid dalku u baahnaa.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa Ururka Kulankan Soo qaban qaabiyay Sharmaarke jaamac,Waxaanu Xusay in Ururkan ay aasaaseen sanadii 2001 kii,waxaanu intaas ku daray inay ka Shaqeeyaan horumarinta siyaasada iyo istaratajiyada,iyo Weliba sidii laysku xidhi lahaa abuurista fursado ganacsi.
Waxa kale oo halkaa Ka Hadlay cabdi qani xariir ismaaciil oo ka socday Salaama financial service , iyo Aadam ismaaciil oo ka socday hay’ada USAID ,
Kulankaas ayaa Waxaa ka Qayb galay masuuliyiin ka socday dalalka reer galbeedka qaarkood iyo marti sharaf badan
Hargaysa SDN.