Wasiirka Warfaafinta oo Qaabilay Agaasimaha Hay’ada World Vission iyo Waxyaabihii ay ka Wada hadleen
Hargaysa 18.Fec.(SDN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Abiib Diiriye Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xaafiiska Somaliland ee Hay’ada “World Vission’’.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’ada World Vission, ayaa Agaasimaha Hay’ada World Vision Mr Edwin Siala’’ ayaa halkaa ka soo jeediyey warbixin la xidhiidha mashaariicda ay Hay’adiisu ka fuliso Somaliland ee ay ka mid yihiin dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Quudinta, iyo biyaha.
Kulankan oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga, kuwa maxaliga ah iyo Wasaaradda Warfaafinta ‘’Maxamed Xasan Cali Waji’’ iyo madaxa Wacyigelinta ee Wasaaradda ‘’Axmed Xasan Axmed A.kuwiika.’’ ayaa Wasiirka Warfaafintu Mudane Abiib Diiriye Nuur, waxa uu madaxda hay’ada World Vision uga xogwaramay waxqabadka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta.
kulankaasi waxa ay labada dhinac isla qaateen in ay sii wada xidhiidhkooda wada shaqaynayd, iyagoo abaaraya meelaha ay ku wajahayaan wada shaqayntooda.
Gebagebadii kulankaasi, ayaa Agaasimaha xidhiidhka Hay’adaha iyo Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Xasan Cali Waji, waxa uu mas’uuliyiinta ka socday Hay’ada World Vision, kusoo wareejiyey qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta, halkaas oo ay madaxda waaxyahaasina ay Warbixin ka siiyeen shaqada Xafiisyadooda
Hargaysa SDN.