|

Laheystayaal Ajaanib ah oo lagu Afduubtay Waqooyiga dalka Nigeria

Bauchi Feb 18 2013 (SDN)– Wararka ka imaanaya Waqooyiga dalka Nigeria ayaa sheegaya in 7-qof oo Ajaanib ah lagu afduubtay halkaasi kuwaasi oo u shaqeynayay Shirkada dhanka dhismaha ka shaqeysa. 

Saraakiisha Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay in 7-qof ee Ajaanibta ah laga Qafaashay xero kutaalla gobolka Bauchi iyadoo ka hor inta aan la qafaalan la dilay Waardiyihii Dismaha joogay. 

Dadka la Afduubtay ayaa ka soo kala jeeda wadamada Ingiriiska, Talyaaniga, Gariiga iyo Labo Libnaaniis ah. 

Majirto Koox Sheegatay in qafaalkan ay ka danbeysay hase ahaatee Islaamiyiinta Boko Xaram ayaa waxa ay yihiin Islaamiyiin ku xoogan Waqooyiga Nigeria waxaana way ka fuliyaan halkaasi weeraro nuucyo badan leh oo is xig-xiga. 

Wariyayaasha gobolka ayaa sheegaya in Afduubkan uu noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca Waqooyiga Nigeria mudooyinkan. 

Comments are closed