Macalimiin Tababar ku saabsan kor u qaadista Xirfadooda Waxbarasho loo Soo Xidhay.
Hargaysa 31Jan(SDN) Sideed iyo labaatan macalin oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ay maamusho hay’adda Geeska Afrika ayaa maanta magaalada Hargeysa loogu soo gaba gabeeyay tababar u socday muddo toban maalmood ah oo kor loogu qaadayay hanaanka xirfadooda waxbarista.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Geeska Afrika waxa ugu horayn kahadlay gudoomiyaha xafiiska wax-barashada ee hay’adda Geeska afrika Sh. Ciise Maxamuud C/llahi, waxaanuu sheegay in ujeedada tabarka loo qabtay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ay maamusho hay’adaasi, waxaanuu sheekhu intaa raaciyey in tababarkani aanu ahayn mid hargeysa oo keliya ay ku qabteen balse sidoo kale Burcana lagu qabtay.
Gudoomiyaha Hay’adda Geeska Afrika , Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo isna halkaa ka hadlayey ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo lagu qiimaynaayo macalimiinta Dugsiyada ka dhiga, si loo helo macalimiin tayo leh oo la jaan qaada horuumarka heerka waxbarashada.
Sheekh Maxamed cali Geedi, waxa uu halkaasi uga mahad-naqay macalimiinta Tababarkan bixisay oo ka socday wasaarada wax-barashada Jamhuriyada Somaliland, sidii ay waqtigooda iyo dedaalkoodaba u siiyeen mudadii uu tababarku socday.Ku-xigeenka agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah ee wasaarada Wax-barashada Siciid Xaaji cali(Siciid talaabo), oo Geba-gebadii xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa waxa uu tafaasiikl ka bixiyey wax-tarka iyo faa’iidada aqooneed ee tababarada noocan oo kale ah ay macalimiintu ka korodhsadaan iyo sida ay lagama maar-maan u tahay in macalimiintu ay helaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda. Waxaanuu ugu danbayn kula dardaarmay macalimiinta tababarka dhamaysatay in culuuntii ay korodhsadeen ay kula noqdeen dugsiyada ay wax ka dhigaan,faa’iidada tababarka ay ka korodh-sadeena ay ka muuqato Ardayda ay wax u dhigaan.gebagebadii waxa halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shahaadooyin iyo abaal-marino macalimiintii tababarku u dhamaaday.
Hargaysa SDN.