|

War deg deg ah Hal Qof oo ku dhintay rabshadihii magaalada Boorama,Laba ku dhaawacmay iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo Weftigiisi oo kulamo la leh maamulka iyo qaybaha bulshada

hargaysa 30 Dec (SDN)

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Goor dhawayd  gaadhay magaalada Boorama,iyadoo dad Mudaharaad kala hor tagay ay isku dhaceen Ciidamada Booliska isla markaana uu ka dhashay Khasaare nafeed iyo mid gaadiid.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Weftigiisa ayaa lagu soo waramayaa in Huteelkii ay ka dageen Magaalada Boorama ay ku soo faafeen Mawjado dad ah ,wararka aanu ka helayno magaaladaasi ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska iyo Mudaharaadyaashu ay isku dhaceen isla markaana uu ku naf waayay inta la hubo hal qof iyo laba kale oo ku dhaawacmay  rasaastii ay ciidanku ku kala kaxaynayeen Mudaharaadayaasha .

Sidoo kale  Qaar ka mid ah Xubnaha hawl wadeenada ah ee la socda Weftiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhaawac fududi ka soo gaadhay Banaan baxaasi .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici iyo Weftigiisu waxay kulamo la leeyihiin Maamulka iyo Qaybaha bulshada oo ay kala xaajoonayaan sidii loo joojin lahaa Mudaaharaadada rabshadaha wata .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Weftiga uu hogaaminayo ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u xilsaaray Xal u helida rabshadaha ka socda magaalada Boorama oo ka kacday fadhiga loo qaban waayay Golaha Deegaanka ee degmada Saylac .Wixii War ah ee ka soo kordha Magaaalada Boorama dib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.

Hargaysa SDN

Comments are closed