|

XUKUUMADA UU SILAANYO HORKACAAYO OO SI BADHEEDH AH USOO CELISAY QABIILAYSIGII IYO BOOBKII IYO CADAALAD DARADA LAGU HAYO SHACABKA SOMALILAND

Waxaan doonayaa in aan ka hadlo fawaaxishka iyo qabyaaladda ay xukuumadda siilaanyo wanaaga ay moodayso ee ay ku burburinayso  qaranimaddii iyo dimoqraadiyaddii Somaliland ka hana qaaday 20kii  sano ee aynu soo dhaafnayd.

Shacabka Somaliland wuxuu ku caano maalay oo ku faani jiray dalal badan oo jaarkeeda ahi aanay haysani waa nabad galyada miyaanay shalay ahayn markii ahmed silaanyo uu baryootamayey ee uu lahaa yaa ilmadeerayaal bal mar uun isaara kursigaa ee la moodayey in  janadii laga hortaagnaa jano lagama hortaagnayn ee waxaa uu manta wado ayaa laga hortaagnaa walaalayaal wali maydhicin intii dorasho ee Somaliland soo martay in xukuumadihii markaa jiray ay gacanta gashadaan komishanka qaranka .

Hadayna hore u dhicin maantay dhacday oo komishanku shacabku amineen uu noqday goob madaxtooyada laga amraayo .Tusaale hadaan soo qaadano labadii nine e u danbeeyey ee degmada farawayne uga soo baxay ururka rays ee malintii hore komishanku ku dhaqayeen degmada hargeisa ay u shaciyeen inay soo baxeen .

Markii danbe ee maxkamada loo gudbiyey e maxkamaduna ku dhawaaqday miyaana la oran waad hadheen oo la saarin nin ay silaanyo isku reer yihiin.

Waxaa taas lamida arinta ka dhacday berbera ee uu silaanyo yidhi waa inuu nin reerkayagii maayir ku xigeen noqdaa markii ay reer barbera arintaas ku gacansaydheen ee ay yidhaahdeen degaankani maaha degaankaagi ee ka dhaxbax miyuuna ku xigsiin xilka qaadis badhasaabkii gobolka saaxil ramaax waana ta keentay in shacabka reer saaxil ka muddaharadaan oo ay qaadan waayan cadaalad darada qaawan ee lagula kacay hadaba waxaa cadaatay in silaanyo uu doonaayo in qabiilada Somaliland isku wada dhacaan oo uu miino dhaxdhigay.

Waxaan la hadlayaa dhamaan shacbiga Somaliland inay iska gartaan fidmo wadaha ku dhaxjira ee nacaybka iyo xumaanta kula dhaxjira umada Somaliland ee walaalaha ah ee nabadana ku wada nool waxaan leeyahay silaanyoow tariikhdu way ku xusi doontaa baalka madaw ee aad Somaliland u jeexday iyo abaal la,antaada  waxaan kula talinayaa shacbiga somaliladn iyagoo wada jira inay nabadooda ilashadaan cadawgana iska jiraan hadaad usii adkaysanwaydaan xumaanta iyo baa ba a uu silaanyo inagu wado waa inaynu wada jir u  nidhaah is casil xilkana iska tiri dadkani waa dad ay lexjeclo ka hayso dalkan oo aan rabin inay beel beel isku layaan balse raba inay walaalo ku wada noladaan amisana inay dalkan wada leeyihiin ee aduu silaanyoow la tag xumaanta iyo cadaawada kugu raagtay Somalia ilayn wadigii u daba cararayeye  madaxwaynaha Somalia ee  guntii iyo gabagabadiina shacabka somalialnd guddo iyo dabadba aynu wada ilaashano qadiyadeena iyo jiritaankeena Somaliland cadawgana ilgaara aan iskaga qabano uu silaanyo u horeeyo waxaan leeyahay silaanyana horaa loo yiri  abaal ningala waa la arkaa balse nin gudda lama hello.

Balse shacbiga Somaliland waa uu ku bartay …

by: mohamed case

Comments are closed