Casha Sharaf lagu sii Sagootinayay Abwaan Cali Banfas oo lagu Qabtey Magalda London
LondonDec24/12(SDN) Waxaa habeenkii xalay ee ay bishuna ahayd 22/12/12,xaflad casho sharaf loogu sameeyey magaalada london ee cariga ingariiska Abwaan Cali Hasan Adan(Banfas) oo dhawaanahanba ku sugnaa dalkan Boqortoyada Ingiriska ,martina u ahaa jaalliyada reer Somaliland.
Kulankan casho sharafta ahaa ee xalay loo sameyey Abwaan cali banfas oo ah kii labad ee jahliyada reer Somaliland ee london u sameeyeen marka laga reebo kulamo gooni gooni iyo salaan xushmadeed ah oo dad badan ugu sameeyeen magalooyinka Bristol iyo Cardiff .
Waxaa madasha soo buux dhaafiyey dad- weynihii reer Somaliland ee ku nool magalada london iyo Bristol ee madasha lagu soo casuumey.
Xafladdan oo si weyn loo soo abaabuley ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin iyo Waxgaradka bulshada Somaliland ee wadankan uk iyo marti sharaf kale oo farabadan oo lagu soo casuumey casho sharaftan.
Casho sharaftan waxay bilaabatey 09-30pm taasoo ahayd mid ka dhacaysey jiho ahaan waqooyiga magaalada london hotel ku yaala xafada Southall,casuumadan loo sameeyey Abwaan Cali Banfas waxay ku bilaabatey jawi aad u qurux badan.
Markii uu madasha soo galey Abwaan cali banfas iyadooy ku weheliyayaan dad aad u fara badan oo kamid ah jaalliyada Somaliland ee ku nool magaaladan London iyo Bristol oo ahaa inta badan dad magac iyo qadarin ku dhex leh jaalliyda reer somaliland ee ku nool UK
Waxaa sida cadaadu aheed isla markiiba lagu furey casho sharafta aayadahii qur,aanka kariimka .Ka dibna waxaa si rami ah u furmey casho sharaftii waxaana ka Hadley xidhiidhiyaha xafladda isaga oo dadka casho sharafta ka soo qeyb galey mahadnag aad iyo aad u badan uga mahad celiyey dadkan sida wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen Habeenkan caawa ah inay la kulmaan Abwaan cali banfas,waxaana halkaasi ka Hadley madasha Mr yusuf garacato , xuseen dacawo,Ahmed abdi Esse iyo yusuf ahmed tiire kana waramey ujeedada layskugu yimid caawa iyo in ay caawa tahay habeen taariikhi ah iyo iyagoo abwaanka cali banfas oo xaaladiisa cafimad la soo deridtey intii uu ku sugnaa cariga ingriiska ilahayna ka kiciyey ,waxaay ilahay uga baryeen dhamaantoodba in uu ilahay cafimad buuxa siiyo amiin.
Waxaa iyana madasha ku sugneed Gudoomiyaha Xarunta Agoomada Hargeysa Casha Mohamoud ayaa ka soo qaybgalay casha sharaftan loo sameeyay Cali Banfas, iyadoo madasha ka sheegtey in aad ugu faraxsan tahay in ay la kulanto Cali Banfas ,aadna ugu bogaadisey iyadoo sheegtey in uu yahay mujaahid dhaba taariikhda reer Somaliland baal dahaba kaga jira ,door laxaadlana ka soo qeyb gaatey halgankii dubu xoreenta Somaliland.
Waxaa mic loo dhiibey cali hasan adan oo dadkii madasha joogey aad iyo aad ugu mahad caliyey sidii quruxda badneed ee ay u soo dhameeyeen iyo madashan aynu caawa ku suganahay,isagoo ka waramey xaladiisa cafimad oo aad u wanagsan ,waxaa uu madasha ka tiriyey 2 gabey oo kala ah galbis iyo dardaran oo aad u qiimo badan,dadweynihii madasha joogeyna aad iyo aad uga heleen.
Si kastaba ha ahaatee xafladaas casho sharaftaa ee loo sameeyey Abwaan cali banfas ayaa waxay ku soo gabagboowdey jawi aad u wanaagsan ooy farxadi ku dheehantahay iyadoo dhamaan dadkii xaflada casha sharafta soo agaasimey ay u mahad celiyeen dad weynihii xafladaa ka soo qeyb galey oo dhan
halkan ka daawo sawirada xaflada
https://skydrive.live.com/?cid=cb16c04760f40af4&id=CB16C04760F40AF4!542&Bsrc=SkyMail&Bpub=SDX.SkyDrive#cid=CB16C04760F40AF4&id=CB16C04760F40AF4!548
Qurbojoog London