Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo bahda Cadaalada maanta u furay Siminaar ku saabsan xeerka Anshax Garsoorka
Hargaysa 24 Dec.(SDN) Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee JSL Md Yuusuf Ismaaciil cali ayaa maanta kulan ku saabsan dhamaystirka xeerka nidaamka anshaxa garsoorka dalka uga furay xeer Gudoomiyayaahsha Maxkamadaha dalka xeer ilaaliyayasha iyo hawlwadeeno kale oo ka socday bahda caddaaladda..
Wuxuu Gudoomiyuhu sheegay in uu xeerkani wax wayn katari doono cabashooyinka badan ee kajira dhinaca cadaalada garsoorayaasha ,oo dabagal u noqondoono dhamaanba cida ku xad gudubta xeerkaasi ,waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan dadbadan oo wax ayna ogayn kashaeega xeerka garsoorka qaranka taasi oo ay inta badan saxaafada Somaliland ay is kaqoraan waxa aan ku haboonayn anshaxa.
Waxaana uu dhamaan usoo jeediyay shacabka Somaliland in maanta laga bilaabo uu jiro xeerka anshax marinta garsoorayaasha ,taasi oo ay dadku ula sinaan doonaan cadaalada ,waxaana uu sheegay inuu xakamayn doono xeer ilaaliyaha,isla markaana hadii iyada wax laga tabanayo lagu soo oogi karo dacwad.
Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa kale oo uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin waxyaabaha ay saxaafadu qoraan ee aan waafaqsanay xeerka anshaxa,gaar ahaan kuwa Caadaystay sida uu yidhi kuwo si khaldan uga hadla arrimaha Garsoorka iyaga oo aan Khibrad u lahayn.
Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali Wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka rer Somaliland in xeeka garsoorku waxbadan kabadali doono tabashooyinka laga tirsado bah’da Garsoorka Somaliland,isagoo sheegayna inaan lagu dagdagin cayda iyo Aflagaadada garsoorka.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland waxa uu intaas ku daray in maanta laga bilaabo cidii ku xadgudubta xeerkan anshaxa garsoorayaasha laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com