|

Golaha wasiirada oo ka digay duufaan ku dhufata Xeebaha Soomaaliya

Muqdisho Dec 24 2012 (SDN)- Kaddib kulan ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho golaha wasiirada islamrkaana uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaarah Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa ay goluhu uga hadleen arrimobadan.

Golaha wasiirada ayaa ka hadlay dufaano maalmahanba la hadal hayay in ay ku dhufan doonaan xeeha Soomaaliya waxaana uu golu ka digay dufaantasi.

Sidoo kale golaha wasiiradu waxa ay ka hadleen Amni darada ka jirta wada Xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye waxaana ay shegeen in loo baahan yahay in sidag dag ah wax looga qabto lagana howlgalo.

C/xakiin Xuseen guuleed oo la hadlay Saxaafadda markii uu soo dhamaaday kulanka golaha wasiirada kaddib ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dadku ay ka digtoonaadaan duufano laga yaabo in ay ku dhuftaa xeeha dalkeena Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha guddaha iyo Ammniga qaranka Soomaaliya C/xakiin Xuseen guuleed ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban donaan amnidarada ka jirta wadada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

SDN-Muqdisho

Comments are closed