|

Howgalo baaritaano ah oo lagu xaqiijinayo Ammaanka oo ka bilawday Magaalada Kismaayo

Kismaayo Dec 24 2012 (SDN)— Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa saakay baaritaanno ka bilaabay magaalada Kismaayo kaas oo guri kasta baaritaan saf ah lagu maraayo.

Baaritaankaan ayay sheegeen ciidamada in lagu sugaayo oo lagu xaqiijinaayo amaanka magalada kadib markii qaraxyo dhawaanaahan ay ka dhaceen magaalada.

Baaritaankaan Maanta ka bilaawday Kismaayo ayaa ka dambeeya kadib markii xalay ciidamo ka tirsan dowladda oo roondeenayay lagu furay rasaas iyadoo xilliyada habeenkii ay qaraxyo iyo weeraro mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira dilal ka dhaca magaalada iyadoo dhawaan baaritaanno ay ciidamada ka sameeyeen Kismaayo ku sheegeen inay kusoo qab qabteen rag ka tirsanaa AL Shabab oo magaalada Ku dhuumaalaysanayay.

SDM-Kismaayo

Comments are closed