Barlamanka oo dib u dhigay ansixinta Miisaniyadda iyo kulanka Baarlamanka oo buuq ku soo dhamaaday
Muqdisho Dec 24 2012 (SDN)— Baarlamaanka oo Maanta dib u dhigay ansixinta Miisaaniyadda dalka sheegayna inaan lagu cadeen miisaniyadda lacagta Ciidamada ku baxayso.
Baarlamanka Somaliya ayaa maanta ka dooday ansixinta miisaaniyadda dalka somaliya ee sanadka 2013,waxaana Baarlamaanka ay ka doodeen qaabkii loo ansixin lahaa miisaaniyaddaas.
Waxaa maanta dib u dhac ku yimid ansixinta Miisaniyadda sanadka 2013-ka oo lagu balan sanaa in la ansixiyo Maanta waxaana Baarlamaanka ay sheegeen in aan la cadeen lacagaha ay qaadan doonaan ciidamada dalka somalia.
Kulankaan maanta oo shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar waxaana ay ka doodeen baarlamankada qaar in aan miisaaniyadda dalka lagu darin lacagaha ku baxaya safaaradaha dowladda somalia ay ku leedahay dalalka caalamka iyadoo ay jiraan safaarado aan si wanaagsan u shaqeeyn.
Baarlamanka kulankii maanta ay yeesheen ayaa waxaa ka dhashtay buuq kadibna guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankaan uu ku dhawaaqay in uu xiran yahay shirka baarlamanka iyadoo wasaaradda maaliyadda dib loogu celiyay miisaaniyadda sanadka 2013-ka.
SDN-Muqdisho