Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo xalay lagu toogtay Magaalada Garoowe
Garoowe Dec 24 2012 (SDN)— Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal. waxaa xalay halkaasi lagu dilay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay maamulka Puntland.
Kooxo hubaysan ayaa bartamaha Magaalada Garoowe ku toogtay ruuxaasi oo lasoo warinayo inuu ka tirsan yahay Waaxda qaadista Canshuuraha ee Maamulka Puntland halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu ka tirsan yahay ciidamada Booliiska Puntland.
Ilaa iyo iminka lama garanayo cida ka dambeysay dilka loo geestay marxuumkaasi iyo sababaha dilkiisa keenay.
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa wada howlgalo kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Garoowe ayna ku baadi goobayaan cidii ka dambeysay dilka loo geestay sarkaalkaasi ka tirsan ciidanka Puntland.
Deeganada Maamulka Puntland ayaa muddooyinkaan dambe waxaa ka taagan xasarad dhanka siyaasada ah iyadoo habeen kahor Magaalada Garoowe lagu xirxiray afar nabadoon oo kasoo kala jeeda Mudug iyo Bari.
SDN-Garoowe