Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo u socdaalaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda
Nairobi Dec 24 2012 (SDN)— Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi oo ku sugan dalka Kenya qeybna ka ah wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay safarka Madaxweynaha iyo qorshayaasha xiga.
Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu soo gabagabeeyay socdaalkiisa dalka Kenya maanta uu uduulayo dalka Uganda halkaasi oo casumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha dalka Uganda.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha masuuliyiinta dalka Kenya uu kala hadlay inaan la dhibaateyn dadka Soomaalida.
Wuxuu sheegay in Kenya uu ka codsaday in qofkii ku noqonaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dadka loo madaxbanaaneysiiso balse aan la qasbin,maadaama dadka ganacsiyo kala duwan Nairobi ay ku leeyihiin.
Xasan Sheekh Maxamuud intii uu ku sugnaa dalka Kenya wuxuu kulamo la qaatay masuuliyinta Dowladda Kenya iyo sidoo kale jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayna kawada hadleen arimaha Soomaalida iyo Soomaaliya.
SDN-Nairobi