Mucaaridka Masar oo dalbaday in dib loo eego codkii loo qaaday Dastuurka dalkaas
Qahira Dec 24,2012(SDN)-Mucaaridka dalka Masar ayaa war ay maanta soo saareen ku sheegay in loo bahan yahay in dib loo eego habkii iyo hanaankii ay u dhacday codkii dhawaanta loo qaaday Dastuurka dalkaasi.
ururka Bedbaadada Masar ayaa sheegay in natiijadu tahay mid aan ka turjumeyn dareenka dhabta ah ee shacabka dalkaasi.
Mucaaridku waxa ay dalbanayaan in guddida Doorashooyinka ee dalkaasi ay dib u eegid ku sameeyaan khaladaad ay sheegeen in ay dheceen xiligii codeynta.
Sidoo kale mucaaridku waxa ay ku andacoonayaan in ay jirto kushubasho baahsan.
Dastuurka dalkaas ee sabtidii loo codeeyay ayaa awoodo dheeri ah siinaya madaxweyne Morsi iyo xulafadiisa.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com