Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo maanta Furay Kulan sadex bilood soco doona oo lagu qiimeynayo waxqabadkawasaaradaas
Hargaysa 23.Dec (SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xuseen Xoog ayaa maanta furay kulan ku saabsan in lagu lafo guro waxqabadkii sannadkan dhamaadka ah u hirgalay Wasaarada Caafimaadka isla markaana lagu dejinayo qorshaha ku talo gal ee Sannadka Cusub ee 2013-ka.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen hay’adaha caalamiga ah,kuwa qaramada midoobay iyo kuwa wadaniga ah ee gacanta ka gaysta horumarinta adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xuseen Xoog oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Shirkani yahay mid saddex bilood ah oo lagu qiimeeyo xaalada waxqabad ee Wasaarada Caafimaadka iyo hay’adaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso,waxaanu sheegay in ujeedada ugu weyni ay salka ku hayso sidii loo dejin lahaa qorshaha ku talo gal ee Wasaarada Caafimaadku ku hawl gali doonto sannadka soo socda ee 2013.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadku waxa uu ka waramay waxqabadkii u hirgalay,Caqabadihii ka hor yimid iyo dariiqa ugu habboon ee looga Gudbi karo.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Caafimaadka Khadar Maxamud Axmed ayaa halkaasi ka hadlay .
Shirkan oo lagu qabtay Huteel Maansoor waxaa ka qayb galay oo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka,Isu duwayaasha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolada iyo Saraakiil kale.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com