Wasiirka Arrmaha Gudaha iyo Xubno kale oo Wasiiro ah oo booqday Magaalada Berbera DHEGEYSO Khudbad uu u jeediyay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Berbera
Hargaysa 23.Dec (SDN) Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha,Qorshaynta Qaranka,Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha ee dhinaca Amniga,ayaa maanta kulan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada berbera ee dhawaan la soo doortay iyo Qaar ka mid ah Madaxda laamaha dawlada .
Ujeedada Socdaalka Xubnahan ka tirsan Golaha Wasiirada oo uu Weheliyo badhasaabkii hore ee Gobolka Saaxil ee Xilka laga qaaday,iyagoo kulan la qaatay Golaha Deegaanka Cusub ee Magaalada Berbera .
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo madashii kulankaasi ka hadlay ayaa ujeedada Safarkooda ku sheegay sidii ay u bogsiin lahaayeen nabaradii ka dhashay doorashadii Golaha deegaanka ee Magaalada Berbera,isagoo qiray inay jirtay is jiid jiid ay sababtay doorashadu,waxaanu hoosta ka xariiqay in loo midoobo wax u qabashada magaalada berbera .
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu ku dooday in Magaalada Berbera ay tahay bogcad ka dhaxaysa Shacabka Somaliland isla markaana aanay cid gaar ahi Sheegan Karin.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale khudbaddii uu kulankaas ka jeediyay waxa uu ku yidhi.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Duur.mp3″]
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com