|

Xasan Sheekh: Dowladda Kenya waxaan kala hadlay in aan La dhibaateyn Somalida dalkeeda ku nool

Nairobi Dec 23 2012 (SDN)— Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu kala hadlay inaan la dhibaateyn qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu usheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kalsoonidii ay ku tageen dalka Kenya ay ku joogaan islamarkaana aysan dhibaateen dadka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in hay’adaha ammaanka dalka Kenya uu si gaar ah ugala hadlay in dadka Soomaalida aan la iska xirxirin marka ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee dalkaasi ka dhaca.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu imaanayaa iyadoo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Kenya Booliiska dalkaasi ay u qab qabteen Soomaali badan oo ku nool dalkaasi Kenya.

Xabsiyada dalka Kenya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan oo ku nool dalkaasi kuwaasi oo Booliiska dalka Kenya ay ku eedeeyeen inay qeyb ka ahaayeen falalka dhanka lidiga ku ah ammaanka ee Kenya ka taagan.

Nairobi-SDN

Comments are closed