|

Gudida Somaliland Society Uk SSUK:Saxaafadu waa in ay ogaataa Cadawga Somaliland ayaa ka faaiideysanaya khilaafka siyaasadeed

London Dec 23,2012(SDN)-Waxaa mudadan danbe soo badanaya qoraalo loo diro websidyada, qoraaladaas oo ay soo diraan xubno iska dhigaya in ay yihiin bulshada reer Somaliland se ah cadawga dalka iyo dadka Somaliland. Qoraaladaas oo xanbaarsan isku dir iyo xaalad abuur.

Sidaas darteed waxaanu dhamaan websidyada ka soo jeeda Somaliland aanu u soo jeedinaynaa in ayna soo deyn qoraalada noocaas ah kana taxadiraan una tudhaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Gudida SSUK waxa ay ugu baaqaysaa xukuumada Somaliland, oday dhaqmeedyada cuqaasha iyo waxgaradka reer soomaalilandba in la xakameeyo qaladkan laga fahmay dumuqraadiyada lana joojiyo dhamaan dhaqdhaqaaqyada dhaawaca gaadhsiin kara jiritaanka dalka.

Gabagabadii waxaanu bulshada reer Somaliland u soo jeedinaynaa in la ixtiraamo sharciyada aynu dhiganay, wixii qalad ah ee yimaadana loo maro wadaddii lagu xalin lahaa sida ugu fudud uguna haboon…..

 

Allaa mahad leh

Gudida SSUK

 

 

Allaa Mahad leh

Gudida SSUK

Comments are closed