|

Rag lagu eedeeyay in ay la tababarteen Al Shabaab oo Maxkmada lagu soo taagay Magaalada New York

New York Dec 23 2012 (SDN)– Sadax qof oo Soomaali ah ayaa waxaa Maxkamad lagu soo taagay Magaalada New York ee dalka Maraykanka, kuwaasi oo loo heyso in ay taageeraan Xarakada Al Shabaab ee ku biirtay Ururka Al Qaacidda.

Sadaxda qof ee Maxkamada la soo taagay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Yasiin Axmed, Mahdi Xaashi iyo Maxamed Yusuf kuwaasi oo larumeysan yahay in Al Shabaab ay siyeen tababar Ismiidaanminta ah sida Maraykanku sheegayo.

Sadaxdan wiil ayaa ka soo muqday Jimcadii Maxkamada Faderal ah oo kutaalla Brooklyn waxaana ay wajahayaan danbiyo kala duwan kuwaasi oo hadii lagu helo ay ku muteysan karaan ciqaab adag.

Wargeyska New York Times ayaa soo wariyay in sadaxdan wiil aga soo qabtay dal aan la sheegin oo kuyaalla qaarada Africa islamarkaana ay doonayeen in ay u socdaalaan dalka Yemen.

Mahdi Xaashi ayaa dhawaan waxaa laga lalaabtay Jisiyadiisii dalka Ingiriiska kaddib markii lagu eedeeyay in uu qatargalinayo Ammaanka dalka Ingiriiska, iyadoo labada kalana ay wataan dhalashada Sweden.

SDN-New York

Comments are closed