Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Hadhiimo Sharafeed u sameeyay Xildhibaanada Cusub ee Golaha Deegaanka Hargaysa
Hargaysa 22.Dec.2012 (SDN) Wasiirka Wasarada Arimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa Maanta Kulan hadhiimi Sharfeed ah u sameeyay Xildhibaanda Cusub ee Golaha Deegaanka Degmada Hargaysa.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay waajib tahay sidii ay isugu iman lahaayeen Xildhibaanada Cusub ee ku soo baxay doorashadii Golaha Deegaanka ee Caasimada hargaysa,waxaanu xusay in marka ay soo diyaar garoobaan Mudanayaasha Golaha Deegaanku la marin doono dhaartii distooriga ahayd markaas kadibna ay dooran doonaan Hogaankooda oo kala ah Maayar iyo Maayar xigeen.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland waxa uu tilmaamay dariiqa uu u jidaynayo Sharciga dalku kal fadhiga u horeeya ee ay yeelanayaan Mudanayaasha Golaha deegaanka ee ku soo baxay doorashadii dalka ka qabsoontay 28kii bishii hore,waxaanu intaas ku daray cidii dariiqaas raacdaa inay si fudud u hanan karto hogaaminta Golaha Deegaanka ee ku yimid codka dadweynaha,Waxaanu Cadeeyay in Cidii aan dariiqaas marin haba yaraatee aanay waxba ka jiri doonin wixii ay doortaan.
Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu ilaahay uga baryay inuu Mudanayaasha Cusub u fududeeyo Xilka Culus ee ay dusha ku qaateen.
Sidoo kale Maayarka Caasimada Hargaysa Eng Xuseen Maxamud Jiciir ayaa dhiniciisa ka sheegay inay wax badani u soo qabsoomeen golaha uu hogaamiyo isla markaana ay qabyo badani taalo.
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji C.laahi Xamarje ayaa hadal kooban oo uu goobtaas ka jeediyay waxa uu ku booriyay Mudanayaasha Cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadu inay u midoobaan danta guud ee Bulshadu ay ka eegayso sida ay wax uga qabtaan.
Gebo gabadii Kulankaas waxaa hadalo ka soo jeediyay Xildhibaan Eng Yuusuf Warsame Siciid iyo Mudane C.risaaq Faarax Xasan Qawdhan oo ku hadlayay afka Shan iyo labaatanka Xildhibaan ee Golaha deegaanka Caasimadu ka kooban yahay,waxaanay u mahadceliyeen madaxdii ka soo qayb gashay hadhiimo sharafeedkani,iyagoo cadeeyay inay u si daacadnimo ah u gudan doonaan waajibaadka qaran ee hor yaala .
Waxaa kale oo Kulankan Goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada, Waxbarashada,Kalluumaysiga,Cadaalada,iyo Maayar xigeenka Caasimada hargaysa taas oo ku soo dhamaatay Jewi wanaagsan.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com