|

“Xukuumaddu Yaanay Faraha La Soo Gelin Doorashada Maayirka Caasimadda Hargeysa” Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi qadir

HargeysaDec22/12  (SDN) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday heshiis Sadex beelood oo deegaanka Hargeysa ahi ku shuraakoobeen, kaas oo uu sheegay Suldaanku inay dhigteen sadexdaasi beelood wakhtigii Jagada Maayirnimada Hargeysa loo doortay Xuseen Maxamuud Jiciir heshiis ay ku wada shaqaynayaan marka ay timaado cidda Maayar ka noqonaysa Caasimada Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay inay heshiiskan ay dhigteen sadexda Beelood ee Arab, Isaxaaq iyo Ciidagale oo ka mid ah Beelaha Dega Magaalada Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Xalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay inay beelahaasi heshiis ku yihiin in doorkan la siiyo Jagada Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab, halka beesha Ciidagale ay markii hore qaadatay, beesha Isaxaaq-na ay doorka dambe qaadan doonto.

Suldaan Maxamed oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahayMaayir Maayirnimada Magaalada Hargeysa waxa jira Cahdi, waxaana wada galay Cahdigaas qaar ka mid ah Beelaha wada dega Hargeysa oo tii uu Jiciir dhawr iyo Tobanka sanno ku fadhiyey-ba waxay ahayd Cahdigaas, Cahdigina sidii ayuu u taaganyahay, waxaanuu Cahdigaasi ka dhexeeyey Sadex Beelood oo kala ah Arab, Ciidagale iyo Isaxaaq, sadexdaas oo heshiis ku ahaa in hadda la siiyo beel iyaga ka mid ah oo ah Beesha Arab markii horena waxa la siiyey Ciidagale marka dambena la siiyo beesha Isaxaaq, markaa anaga cahdigii waa naga halkii ninki baalmaraana waxa uu jebiyey cahdigaas, markaa waxaan leeyahay doorkan waxa u taagan Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab,

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Xukuumadda la hadlaya waxa uu yidhi “Xukuumaddu Xisbi ayey leedahay oo xisbigu meesha uu doono ayu fara geliyaa, laakiin waxaan leeyahay Xukuumaddu yaanay faraha la soo gelin Doorashada Maayirka Caasimadda Hargeysa, waxaanan ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo dadku iyaga ayaa xor u ah cidda ay keensanayaan, waxaanan taas si gaar ah uga codsanayaa Wasiirka Arimaha Gudaha oo Dawladaha hoose ku shaqa leh, waa in ciddii loo keeno ee ku guulaysata Maayirka Hargeysa uun ay la shaqeeyaan, anaguna u keeni mayno cid xune waxaanu keenaynaa qof wanaagsan oo dadka wax u qabta lana shaqeeyaa.

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Rag dibeddaha ka yimid oo doonaya inay dalka xilal ka qabtaan taasina ay ku xidhan tahay sida ay beelohoodu u soo doortaan, isaga oo sheegay in ninka Maayirka Hargeysa noqonayaa yahay nin deegaan ah, waxaanu yidhi “Hargeysa Ninka Maayirka ka noqonayaa waa nin deegaanka ah, rag kale oo dibedaha ka yimid oo doonaya inay dalka xil ka qabtaanna way jiraan, kuwaasina waxay ku xidhanyihiin sida ay beelohoodu u soo doortaan, laakiin anigu kama hor istaagayo haddii uu nasiibkoodu siinayo, Alle ha guuleeyo ayaan leeyahay”.

Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay Salaadiinta Beesha Arab u soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen cidda ay u xusheen Maayirka Hargeysa, kagana codasadeen Beelihii heshiiska kula jiray inay Cahdigii fuliyaan, waxaanuu yidhi “Salaadiinta Beesha Arab waxay noo soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen ninka la yidhaahdo C/laahi Aw Aadan inuu u taaganyahay Maayirnimada Hargeysa, ninkaas oo Mujaahid ahaa halgankiina ka soo qayb qaatay in bandanna ka soo shaqeeyey Dawladaha hoose ee waaxyaha ay Hargeysa ka koobantahay, haddii ay taas cidi kala kicinaysana waxa ku shaqo leh cidaas kala kicisa, laakiin beelaha kale ee aan heshiiskaas ku jirin waxaan leeyahay haddii ay ku soo baxaan waa nasiib kood umana diidayno”

Comments are closed