Miisaaniyad-sannadeedka Somaliland ee 2013 oo Golaha Wasiiradu ansixiyay iyo xaddiga Miisaaniyadda sanadka cusub ee Xukuumadda Dhexe iyo dawladdaha Hoose
Hargaysa 22.Dec, 2012 (SDN)- Fadhi ay maanta yeesheen golaha Wasiirada Somaliland, ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyad-sannadeedka 2013 ee dawladdu ku shaqayn doonto.
Fadhigan oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo gudoominayay, waxay golaha Wasiiradu ku ansixiyeen odoroska Miisaaniyadda 2013 oo dhan boqol iyo shan iyo labaatan milyan oo doolar, sidoo kale waxa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dawladdaha Hoose oo dhan lixdan Milyan oo doollar, iyadoo guud ahaan Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkani isku noqonayso Dawlad Dhexe iyo kuwa dawladaha Hooseba boqol iyo shan iyo sideetan milyan oo doollarka Maraykanka ah.
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo warbaahinta la hadlay markii uu dhamaaday kulankaasi ayaa tilmaamay in Miisanaayad-sanadeedka 2013 ka ay ka muuqato korodhsiimo dhan 30%, taasoo ka dhigaysa sida uu xusay in Miisaaniyad-sanadeedkii hore ay sidii loogutalo galay u soo wada xerootay, waxaanu intaas ku daray in sanadka cusub ee 2013-ka la filayo in odoroska la kordhiyay uu soo baxo.
Afhayeenku waxa uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shirka golaha Wasiiradda horgeeyay Miisaaniyad sanadeedka 2013ka ee la ansixiyay uu golaha faahfaahin ka siiyay qaabka iyo marxaladihii ay soo martay Miisaaniyaddani, waxaanu warbixintiisa ku sharaxay nidaamka ay ku xaqiijiyeen soo xeraynta Sanad-miisaaniyadeedkan dhamaaday iyo dariiqa ay u marayaan ka dhabaynta Miisaaniyada cusub ee 2013.
Qurbejoog.com, Hargeysa