|

Guddoomiyihii xalay la eryay ee gobolka Saaxil oo ka hadlay xil-ka-qaadistiisa iyo shaqaaqooyin maanta ka dhacay Berbera

Hargaysa 22.Dec (SDN)- Guddoomiyahii hore ee gobolka Saaxil Mr Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa ugu baaqay shacbiga ku dhaqan gobolka Saaxil inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, xil weyna iska saaraan midnimada Qaranka.

Mr. Ramaax oo ka hadlayey xil-ka-qaadistii uu Madaxweynaha Somaliland xalay ku sameeyay, ayaa sheegay in xilka Qaranku meerto yahay, isagoo caddeeyey inuu raali ka yahay  kuna qanacsan yahay xil ka qaadistiisa, kuna ixtiraamayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyahii hore ee gobolka Saaxil oo u waramay radio Hargeysa, wuxuu ballanqaaday inuu xilka si rasmi ah ugu wareejin doono mas’uulka loo magacaabay guddoomiyanimada gobolkaasi Mr. Cali Maxamed Cilmi oo uu ku tilmaamay nin masuul ah oo ay muddo soo wada shaqeeyeen.

Mr. Ramaax oo ka hadlayey shaqaaqo saaka ka dhacday magaalada Berbera, waxa uu farriin u diray dadweynaha Somaliland guud ahaan dadweynaha gobolka Saaxil inay nabadgelyada ilaashadaan, iskana jiraan in uu arimahaa ka faa’iidaysto cadowga Qaranimada Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed