Wasaaradda Daakhiliga Somaliland oo ka hadashay waxyaabaha u qabsoomay, xaddiga Madax-dhaqameedka Diiwaangashan iyo dedaalada ay wado
Hargaysa 22.Dec (SDN)– Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maanta ka warbixisay arrimo khuseeya xaaladda arimaha gudaha gaar ahaan waxyaabaha wasaaradda u qabsoomay, arimaha golyaasha dhaqanka iyo qorshayaasha mustaqbal ee wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdisemed Cumar Mahdi oo u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in wasaaraddu ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaanka weyn hay’adaha dawladda, ayna ka kooban tahay Lix waaxood oo waaweyn iyo Todoba iyo Toban madaxyo qaybeed.mas’uuliyadooduna tahay adkaynta amniga gudaha iyo horumarinta Gobolada iyo Degmooyinka.
Mr Cabdisamad waxa uu sheegay in wasaaraddu la socotay guud ahaan shaqooyinka ay wadeen dawladaha hoose ee Gobolada iyo degmooyinka dalka, laguna kaantaroolayey in hawlaha ay hayaan ay ka turjumayeen rabitaanka shacabka iyo in kale.
Agaasimaha guud oo ka hadlayay tirada madax-dhaqameedka Somaliland ee ilaa hadda diiwaangashan waxa uu sheegay inay madax dhaqameedyada Somaliland oo isugu jira Salaadiin, Garaado, Ugaasyo, Boqoro iyo Cuqaal tiradoodu gaadhayso Kun, saddex boqol iyo lixdan iyo sadex qof, ayna hoos tagaan waaaxda maamulka wada-shaqayn muhiimana ay ka dhexayso wasaaradda inteeda kale.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dadaal ka samaysay sidii gobolada bariga Somaliland loogala hadli lahaa cabashooyinka ku aaddan dhinacyada kala duwan isla markaana wasaaradda arimaha guduhu gacan weyn ku lahayd nabad ku soo dabaalidii deegaanada Buuhoodle iyo sanaag/bari, xiligana ay jiraan qorshayaal lagu doonayo in maamulada lagu fidiyo meelaha lagama maarmaanka u ah si ay uga faa’iidaystaan bulshada ku dhaqani.
Qurbejoog.com, Hargeysa