Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya
Nairobi Dec 22 2012 (SDN)— Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo iminka ku sugan dalka Kenya ayaa laguwadaa inuu kulamo la qaato jaaliyada Soomaalida ee dalka Kenya.
Sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Nuur Cali Ameeriko Madaxweynaha ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya lakulmi doona.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kala hadli doono Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayuu sheegay inay tahay inuu warbixino kasiiyo xaaladaha dalka Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya halka ay wax umarayaan.
Inkastoo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta kulanka la qaadanayo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa hadana Kenya waxaa ka taagan Xiligan dhibaato adag oo dhanka ammaanka ah oo ay la kulmaan dadka kunool dalkaasi.
Soomaali badan ayaa ku jira xabsiyada ku yaala dalka Kenya kuwaasi oo Booliiska Kenya ay u qab qabteen qaraxyadii ka dhacay xaafada Islii.
SDN-Nairobi