Amnesty: Waa sharici daro in qaxootiga Somalida dib loogu celiyo xeryaha qaxootiga
Nairobi 22 2012 (SDN)–Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty ayaa sharci-daro ku tilmaantay go’aanka ay dowladda Kenya ee ku celineyso dadka qaxootiga ah ee dalkeeda ku sugan, kuwaas oo ay ku jirto Soomaalida.
Hay’adda ayaa sheegtay inay khalad tahay in dadka qaxootiga ah lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan weeraradii marar badan ka dhacay Kenya.Waxayna sheegtay hay’ada caalamiga ee Amnesty in Kenya loogu baahan yahay inay dib ugu laabata go’aanka ay gaartay,islamarkaana qaxootiga iminka wadanka ay u noqoneyso wali ay ka muuqato colaadihii ay ka soo carareen,marka inay dib ugu fiirsato weeye Kenya,ayaa lagu yiri warbixinta hay’adu ay soo saartay.Dowladda Kenya ayaa ku amartay dhawaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka inay dib tagaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halka kuwa dalalka kale lagu amray inay ku laabtaan xeryaha qaxootiga Kakuma.
Hadalkaan ka soo baxay hay’ada caalamiga ee Amnesty ayaa imaaneyso,xilli Kenya ay ku dhawaaqday in dhamaan dadka ku nool Kenya ee jinsiyadaha kala duwan ka soo jeedo oo Soomaaliya ay ka mid tahay ay isaga baxaan magaalooyinka ee ay isugu tagaan xerada Dhadhaab iyo Kaakuma si markaasi Kenya kaga yaraadaan qaraxyada iyo falalka kale ee amaandarida ka jiray magaalooyinka halbowlayaasha u ahaa dowlada Kenya.
SDN-Nairobi