|

Munaasabada lagu xusayo 40-sano guuradii ka soo wareegatay qorista farta Soomaliga oo ka furanta Jabuuti

Jabuuti Dec 17 2012 (SDN)— Waxaa maanta munaasabado Balaaran oo lagu maamusayo sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay qorista Farta afka- Soomaaliga   si rasmi ah uga furantay  magaalada Jabuuti ee xarunta  Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti.

Munaasibadaan  ayaa waxay ka dhacaysa Hotelka Kampiski Place ee dalka Jabuuti waxaa xuska sanad guuradii 40 aad ee ka soo wareegtay qorista Farta Soomaaliga, waxaana ka qeybgalaya masuulyiin uu ka mid Madaxweynaha Somaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  mas’uuliyiin ka kala socota gobolada waqooyi bari iyo waqooyi galbeeb ee dalka, iyo sidoo kale wafdi ka socda gobolada ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia iyo Jabuuti oo marti gelineysa ,iyadoo sidoo kale ay ka qeybgalayaan qubaro ku xeeldheer Afkena Somaliga.

Wararaka qaar ayaa sheegay in munasibadasn in uu furo madaxweynaha Jahuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  iyadoo ay khudbado ka jeedindoonaan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta iyo Qubarada ka qeybgalaya kulankaasi.

Kulankan oo socondoona mudo Shan maalmood ah ayaa looga hadlayaa sidii loo hurumarin lahaa Afka Soomaaliga islamarkaana loo bari lahaa dhallaanka  iyadoo kulanka lagu soo bandhigi doono Qaamuus ku qoran Afka Soomaaliga oo ay qoreen qubaro reer Jabuuti ah.

SDN-Jabuuti

Comments are closed