|

Soomaalida degan Nairobi iyo saameynta hadalkii dawlada Kenya

Nairobi Dec 17 2012 (SDN)— Xilli dhawaan madaxda qaxootiga dalka Kenya ay shaaciyeen in Soomaalida ku nool dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi la isugu geynaayo xeryaha dhadhaab ayaa arintaasi waxaa cabasho ka muujiyay Soomaalida Nairobi ku nool.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa sheegay in muddo sanado ah ay joogaan Nairobi ayna ku adkaanayso nolosha qaxootiga hadii dib loogu celiyo Dhadhaab.

Waxa ay sheegeen in Nairobi ay ka shaqeestaan islamarkaana caruur ay ka biishaan hadii qaxootiga dib loogu celinaya nolosha ay ku adkaan doonto.

Hadalkooda ayeey intaasi ku dareen in markii uu soo baxay warka sheegayaa in dib loogu celinayo Soomaalida xeryaha Dhadhaab arintaasi ay noqotay caqabad weyn oo soo food saarta Soomaalida ku nool Nairobi.

Booliiska Magaalada Nairobi ayeey sheegeen in habeen iyo maalin ay wadaan howlgalo raaf ah oo ay kusoo qab qabanayaan dadka Soomaalida dibna ay ugu celinayaan Xeryaha Dhadhaab.

Dhawaan ayeey aheyd markii madaxda qaxootiga Hay’adaha dalka Kenya uu kasoo baxay war adag oo saameeyay Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan Nairobi.

SDN-Nairobi

Comments are closed