Xiddigii reer Zambiya Godfrey Chitalu oo Dhaliyey107-Gool Kala Khaarijiyeyna Messi Iyo Muller.(SAWIRO)
Zambia-Dec-16-2012-qurbejoognews.com- Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxynu maanta ku xiddigii reer Zambia Godfrey Chitalu oo hakiyey mucjisada kubadda cagta ee qarnigan MESSI markii ay soo baxdey inuu dhaliyey 86-Gool,laakiin waxaa hsdhuudhlaha ku darey Chitalu oo uruursdey 107-Gool sannadihii 70-nadii.
Haddaba Godfrey Chitalu muxuu ahaa,wuxuu dhashay sannadkii 1947 Bishii Oktoobar 22-dii,kuna dhashey Luanshya oo waqooyiga Rodhiishya,wuxuuna dhintey April-27-1993(Age Of 45),kana ciyaari jirey weerarka.
Xiddigan oo u soo kala ciyaarey Fisansa Youth Club,Kwacha Communatiy Center,Kitwe United,Kabwe Warriors,Zambia,Akhirkiina wuxuu noqdey Tababarihii xulka qaranka Zambia .
Asxaabtay Wiigii aynu so dhaafney Fifa waxay ka dhawaajisey in Xiddiga reer Argeniin Lionel Messi sameeyey Rikoodh cusub Jabiyeyna kii Gered Muller,markii uu dhaliyey 86-gool,laakii waxaa labadoodaba Afka u dhigtey Xiddiga reer Zambia Godfrey Chitalu oo saxeexey 107-Gool,taas oo Fiifaba diiwaanka ugu jirin.
Saaxiibayaal anoo taariikhda Chitalu halkan ku soo koobi karin,1993-dii wuxuu ahaa Tababarihii watey xulka qaranka ee Zambia markii ay shil diyaaradeed kula dhacdey Coast Of Gabon April-27-1993.
W/ Qorey Jaahuur
qurbejoog.com