Puntland oo maanta xabsi dhigtay masuul ka tirsan hayaadaha daryeelka Bulshada
Garoowe Dec 16 2012 (SDN)— Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay in lagu xiray Cabdi Kaafi Xasan oo Gudoomiye ka ah Hay’ad qaabilsan dhinaca daryeelka Bulshada oo ka howlgasha deegaanada Puntland.
Xariga ninkaani oo loo adeegsaday Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal ayaa warar lagu soon yahay waxa ay sheegayaan in uu ka dambeeyay soo dhaweynta Isimo ay ka mid ahaayeen Boqor Burhaan Cismaan iyo C/laahi Jaamac oo Muqidisho ka tagay.
Sidoo Cabdi Kaafi ayaa waxa uu ka mid yahay Mas’uuliyiinta kasoo horjeeda siyaasada Maamulka Faroole si gaar ah mudada kororsiga uu damacsan yahay Maamulka xukunka haya.
Maamulka Puntland oo aan la xiriirnay waxa ay si cad uga gaabsadeen inay ka hadlaan xariga Mas’uulkaasi.
SDN-Garoowe