|

Barlamanka Soomaaliya oo ansixiyay howlaha labada sano ee soo aadan ay qaban doonaan

Muqdisho Dec 16 2012 (SDN)— Kulan ay  soo xaadireen  xildhibaano gaaraya 152  mudane  uuna  shir gudoominayay afhayeenka baarlamaaka soomaaliya  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa ka dhacay  xarunta  golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulankaasi oo uu ajandihiisa ahaa qorshe hawleedlka  baarlamaanka 2-sano ee soo aadan.

Gudoomiyaha  baarlamanka markii uu shaaciyay  ajandaha shirka ayaa halkaas waxaa doodo kulul ka soo jeediyay xildhibaano ka mida baarlamaanka ,kuwaasi oo doodoodu  ku qotantay  talooyin iyo eedayn ay u soo jeedinayeen haya’adaha ku sugan dalka  gaar ahaan kuwa xariirka la leh Dawlada.

Xildhibaan  Maxamuud Aadan Kulalihi  oo hadalkii ugu saamaynta badan maanta baarlamaanka ka hor jeediyay ayaa si aad ah u weeararay haya’ada UNDP oo uu ku sheegay  mid xili walba lunsata  dhaqaalaha loogu soo dhiibo  sida uu yiri Dawlada  iyo shacabka soomaaliyeed ,isagooa tusaale u soo qaatay  lacag fara badan oo sanadkii  2001 –dii  dalalka deeqaha bixiya  ugu talo galeen dalka soomaaliya   oo inteeda badan  ay lunsatay haya’adu taas uu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay  ka xisaabtanka talaabadaasi.

Dood dheer iyo falanqayn  ka dib  ajandihii kulanka maanta looga doodayay  oo mararka qaar sababaysay  in xildhibaanadu ka baxaan  ajanhada ayaa gudoomiyaha baarlamaanku waxa uu shaaciyay  go’aankii ugu danbeeyay  isagoo xusay  in  ay baarlamaanku ansixiyeen qorshe hawleedka 2012-2014 ka ay ku shaqaynayaan.

SDN-Muqdisho

Comments are closed