|

Dowladaha India iyo Sri Lanka oo ku heshiiyay in weji cusub lagu wajaho burcad badeeda soomaalida sanada cusub

New Delhi Dec 16 2012 (SDN)— Iyadoo iminka ay yaraadeen weerarada ay qaadijireen burcad badeeda Soomaalida ayaa hadana waxaa la sheegayaa in wali ay jirto qatartooda.iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana dowladaha India,Srilanka iyo Maldives waxa ay heshiis ku gaareen sidii loo naafeyn lahaa ama loogu hortagi lahaa qatarta Burcad badeeda Soomaalida.

Wasiirka difaaca Srilanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in Srilanka,India iyo Maldives ay si gacmo wadajir ah ay ku gaareen inay si toos ah u hujuumaan qatarta burcad badeeda islamarkaana ay ciribtiraan,waxa ayna dowladaha isku raaceen in si wadajir ah weerarada loo qaado,in xogaha ku saabsan burcad badeeda ee ku aadan halka ay marayaan laysla ogaado,iyo in laga warqabo weerarada inta badan ay ku qaadaan maraakiibta caalamiga iyo doonyaha isticmaala xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

Kulanka lagu gaarayay heshiiska loogu soo horjeedo burcada badeeda horay ayuu u dhacay,waxaana lagu heshiiyay in si xeeladeysan mid xoog ahba lagu weeraro burcad badeeda,waxaana rajeyneynaa heshiiskaan aan dooneyno in aan ku naafeyno burcad badeeda uu noqdo mid dhaqan gala.ayuu yiri Gotabaya Rajapaksa.

Waxa uu sidoo kale Xogahaya difaaca wadanka Srilanka uu hoosta ka xariiqay in badanaa maraakiibta caalamiga ee aduunka ay isticmaalaan Badweynta Hindia sanad waliba,isagoona intaasi ku daray in u jeedkooda uu yahay islamarkaana ay doonayaan in maraakiibta isticmaala badweynta hindia si nabadgalyo ah halkaasi ay ku isticmaalaan.

Sidoo kale dowlada India dhankeeda waxa ay sheegtay in muujin doonto kaalinteeda ku aadan heshiiskaan sida wada jirka ah loo gaaray ee la doonayo in lagu yareeyo qatarta burcad badeeda uu caalamka ka qeyliyay.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa iminka waxa ay u muuqdaan kuwo markaasi sii yaraatay awoodii ay lahaayeen maadaama inta badan xeebaha Soomaaliya iyo goobaha kale ay ka geystaan weerarada ay ka socdaan howlgalo loogu soo horjeedo.

SDN- New Delhi

Comments are closed