|

Gaas: Kenya wax ha ka badasho sida ay u la dhaqmaan qaxootiga Soomaalida

Nairobi Dec 15 2012 (SDN)—Raysal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Dr Abdiweli Maxamed Gaas oo wareysi siinayay Xinhua gaar ahaan wariyaasha u jooga gudaha dalka Kenya,waxa uu sheegay in dowlada Kenya uu ugu baaqayo in wax ka badasho siyaasadeeda ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Dr Abdiweli Ali oo ah Raysal Wasaarahii Soomaaliya oo ku sugan dalka Kenya gaar ahaan Nairobi oo ka hadlay warka ka soo baxay dowlada Kenya ee ku aadan in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dhulalka kale ee Kenya inay ka soo baxaan islamarkaana ay iskugu yimaadaan Xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

Waxa uu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya ay yihiin kuwo u taagan dhegta amarka ka soo baxa Mas’uuliyiinta Kenya,isagoona sidoo kale shaaca ka qaaday in qaxootiga Soomaaliyeed aysan taageerin fikrada ama hadafka ay wataan Ururka Al-Shabaab.

Inkastoo amarka ka soo baxay Kenya uu yahay mid aan la fahmi karin iyadoo xaalada amaanka hada ka jirta Soomaaliya la ogyahay,dowlada Kenya ma soo saarin amarkaan xiligii loo baahnaa,waxaa sidaasi sheegay Dr Abdiweli Ali.mar uu wareysi siinayay wakaalada wararka ee ka soo baxda dalka China Xinhua.

Sidoo kale Raysal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadalkaan uu ku soo beegay xilli Kenya dhankeeda ayadu ka gaabisay xaqiijinta ammaanka Kenya hadana Kenya ay ku sii kordhayaan falalka amaandari ee Kenya ka jira.

Waxa uuna ugu danbeyntii Kenya ugu baaqay inay ka fiirsato hadalkaan islamarkaana qaxootiga Soomaaliyeed aysan jirin meel ay u laabtaan,walow dalkoodii wali ay ka taagan yihiin xaaladihii ay ugu soo carareen.

SDN-Nairobi

Comments are closed