AMISOM oo sheegtay in la wiiqay Al Shabaab ciidamana lageyn doono deegaanka Bufow
Muqdisho Dec 15 2012 (SDN)— Shir jaraaid oo uu ku qabtay xerada xalane ee magaalada muqdisho afhayeenka ciidamada midowga afrika ee amisom Cali Aadan Xumad ayaa waxa uu kaga hadlay halka ay marayaan howlgalka ay u joogaan Soomaaliya iyo dagaaladii ay kula jireen Ururka Al-Shabab oo dhankooda kasoo horjeeda ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.
Afhayeenka ayaa shaaciyey in iminka aaney jirin awood loo bar bar dhigi karo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dagaal kala soo horjeeda isaga oo ku daray in gabi’aahnba ay cagta mariyeen awoodii Al-Shabaab.
Cali Aadan Xumad afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa intaasi ku daray in Shabaab xiligani ay bilaabeen in si dhuumaaleysi ah ay ku weeraraan fariisimaha ciidamada dowlada iyo AMISOM taasina sida uu sheegay ay muujineyso sida ay u wiiqantay cududa Ururka Al-Shabaab.
Dhinaca kale Cali Aadan Xumad waxa uu tilmaamay in AMISOM ay wado qorshe ay fariisimo ciidamadeeda uga sameyneyso deegaan lagu magacaabo Buufow oo duleedka ka,ah magaalada Marka si looga hortago weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay la eektan masuuliyiinta Dowladda ee halkaasi isticmaala.
AMISOM ayaa howlgalkeedii ugu dambeeyey oo ay ka sameeyso gobolada dalka Soomaaliya waxa ay kula wareegtay magaalo madaxda Gobolka Sh/dhexe ee Jowhar oo muhiimad gaar ah u laheyd Uruka Al-Shabaab oo mudo sanado ah maamulayey halkaasi.
SDN-Muqdisho