|

AMISOM oo beenisay in qasaaro ka soo gaaray qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho Dec 15 2012 (SDN)- Taliska ciidamada AMISOM ayaa si weyn u cambaareeyay weerarkii qaraxa aha ee shalay lagu weeraray kolonyada booliska AMISOM oo marayey wadada Maka al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

AMISOM waxay sheegtay in Kolonyadeeda aanu wax dhibaato ah soo gaarin qaraxa hase yeeshee hal uu ku dhintay 7 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

“Wuxuu weerar caqabad ku ah hanaanka lagu doonayo in nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya iyo dib u dhiska wadanka, waxayna muujineysaa in Al Shabaab aysan dooneynin inay ku soo biiraan dadaalada nabadeeda ee dalka ka jira.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxana sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay AMISOM lagu sheegay in la adkeyn doono ammaanka guud ahaan deegaanada ay gacanta ugu jirto dowlada gaar ahaan Muqdisho oo inta badan qaraxyada ay ka dhacaan.

Dhanka kale Ururka Al-Shabaab ayaa warbixin ay soo dhigeen Boga Twitterka waxa ay kaga hadleen qaraxii shalay ka dhacay Muqisho eel lala eegtay kolonyo AMISOM ka tirsan balse aan wax ka soo gaarin sida ay sheegtee AMISOM,

Waxa ayna Al-shabaab ay sheegeen inay ku dhaawaceen sarkaal sirdoonka Mareykanka ee Geeska Afrika oo Muqdisho booqasho ku yimid iyo sarkaal AMISOM ka tirsan, sarkaal Mareykan

Ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo bixin dowlada Soomaaliya ay ku beeninayeen hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan inay dileen saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Mareynkan iyo AMISOM.

SDN-Muqdisho

Comments are closed