|

Nin hubeysan oo ku dhawaad 20-caruur ah ku dilay gobol kuyaalla dalka Maraykanka

Newton Dec 15 2012 (SDN)- 20-Caruur ah iyo 6-qof oo kale ayaa geeriyooday markii Nin hubeysan uu weerar ku qaaday Iskuul kuyaalaa Gobolka Connecticu ee dalka Maraykanka, sida saraakiisha booliska dalkaasi ay xaqiijiyeen.

Ninka falkan geystay oo loo garawsaday in uu yahay 24-sano magaciisa aan si rasmi ah loo shaacin kaasi oo isna geeriyooday markii dhawac uu ka soo gaaray xabado ay boolisku ku fureen.

Iskuulka ay wax ka dhaceen ayaa lagu Magacabaa Sandy Hook Elementary waxana uu kuyaalla Magaalada yare e Newtown ee gobolka Conneticu.

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in uu u mureygsan yahay sida waalidiinta caruurta waayay oo kale waxaana uu tilmaamay in waxa dhacay ay dhantaaleen qaranka Maraykanka.

Waa dhacdadii ugu xumeyd ee ka dhacda dalka Maraykanka tan iyo 2007dii kolkaasi oo sidan oo kale nin hubeysan uu 32-qof ku dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

SDN

Comments are closed