|

Musuqa Kulmiye Madaxtooyada ku tegayba kuna joogo cidi kuma Dhiman

Hargeysa Dec 15,2012(SDN)-Xukuumada Kulmiye ee talada dalka heysa sanadaha ayaa markii u horeysay mucaarad dad ku dhinteen kala kulantay musuq ay dalka ku maamuleysay mudo.

Kulmiye oo hada loo aaneynayo in kushubahso balaaran iyo kala xigsasho kula kacday qaar ka mida ururadii tartanka siyaasadeed ka qeybqaatay ayaa lagu eegayaa indho ka duwan kuwii hore loogu hiilin jiray.

Kulmiye ayaa xisbiyadii kula tartamay kursiga dalka u sareeya ee Madaxtooyada waxa ay hore u iftiimiyeen ku shubasho,qabyaalad badheedha iyo iibsasho in ay xilka ku qabatay,balse cidi dheg jalaq u siin weyday.

Xukuumadii Kulmie soo dhisay ayaa la ogaa sida shacabka ay metesho loogu qeybiyay.

Waxqabadkeeda ayaa la ogaa sidaay degaanada qaar ugu koobnaayeen oo aan ilaa haatan dalka si mug leh loogu baahin.

Intaas oo idil waa la arkayay sida wax u socdaan waxaase la door bidayay in dalka iyo dadka laga hormariyo wax walba.

Iminka oo tartanku ahaa Gooleyaasha degaankana waxaad moodaa in xaaladu isbedeshay oo wax waliba laga hormarinayo in “cadaalad” la helo.

Maba xuma in cadaalada lagu faro adeygoe miyaaney aheyn in si macquula loo doono?

Talada dalku uma taalo uun kolba labada dhan ee ishaya ee waa in masuuliyiinta iyo waxgaradka ummaddu xaalada faro geliyaan oo dala laga horeysiiyaa cid walba.

Hadey tahay xukuumada iyo hadii ay tahay cidii wax tabaneysa.

SDN-Haregysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed